May 17, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-shabaab , isla markaana horey xil uga hayey ayaa qiray inuu Alle uga Toowbad keenayo dhibaatadii uu ku hayey Shacbiga Soomaaliyeed.

Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto) oo  horey u ahaa Horjooggihii malleeshiyada kooxda Al-shabaab ee gobolka Banaadi,r balse hadda aanan kooxdaasi dhexdeeda wax xil ah ka heyn ayaa markiisii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu Alle uga Toowbad Keenay dhibaatadii intii uu kooxda Al-Qaeda xilka ka hayey u geystay Shacbiga Soomaaliyeed.

Cali Jeesto oo isagu lasoo xiriiray Radio Muqdiso ayaa tilmaamay in xilligan waqtigiisa ugu badan uu maalin walba ku bixiyo Toowbada Alle maadaama Danbigii uu galay xadkiisa uu ka warqabo waxaana uu sidoo kale tilmaamay inuu qorsheynayo haddii uu fursad ku helo Shacbiga Soomaaliyeed inuu meel fagaare ah kala hadli doonom, isla markaana uu cafis ku weydiisan doono isaga oo Toowbaddiisana ku Muujinaya in uu Alle ka cafiyo Dambigii uu galay.

Cali Jeesto oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Qof walba oo Umadda Soomaaliyeed ka tirsan oo aan dambi ka galay ha ilasoo xiriirto” hadana mar aynu weydiinay halka lagala soo xiriirayo waa uu ka gaabsaday, waayo kuma dhiiran karo inuu Caddeeyo halka uu ku dhuummaaleysanayo xilligan iskadaa baqdin uu ka baqo dadka Dembiyada uu ka galayee wuxuu naftiisa kala baqayaa xitaa malleeshiyadii uu ka tirsanaa.

Shaki kuma jiro in Hooyooyin ama Aabeyaal farabadan oo Carruurtooda qaarkood si xaqdaro ah uu ku dilay amaba idimadooda uu ku dhaafiyey hadii ay Maqlaan Codkan aynu baahinay ee Cali Jeesto oo isagu ahaa Horjoogihii hore ee Maleeshiyada Al-shabba u qaabilsanaa gobolka Banaadir ay dib u xasuusan doonaan tacadiyadii uu kula kacay.

Dad badan ayaa isweydiinaya Waxa xilligan ku kalifay Cali Maxamed Xuseen(Cali Jeesto) inuu Warbaahinta ka caddeeyo inuu Alle uga Toowbad Keenayo dhibaatadii uu Umadda ku hayey laakiin waa mid ka mid ah Waxyaabaha ay ku caanbaxeen Horjooggayaasha ka tirsan Al-shabaab ee iyagu dantooda diinta u ekeeysiiyey, markii ay waayaanna Carruurtii qoryaha kadaba sitay amaba ay u arkaan in waqtigoodii la joogga kooxda uusoo afjarmay ay Umadda ku beer laxawsadaan hadallo jilicsan oo ay ka mid yihiin “Waan Toowbad Keenay “waayo Horjoogge walba wuxuu Umadda dembiga ka galayey isaga oo og waxa uu ku kacayo in ay Alle ka foggaansho tahay.

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGEYSATO WAR BIXINTA

COMMENTS