July 7, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka imaanayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ay maleeshiyada Al-Shabaab maanta xabsiga dhigtay horjoogaha ugu sarreeya ee maleeshiyada magaaladaas.

Horjoogaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa amarka lagu xiray waxaa la sheegayaa in uu bixiyay Yuusuf Kaba Ku-tukade oo ah horjoogaha ugu sarreeyo Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana laga soo qabtay gurigiisa mar uu doonayay in uu baxsado sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xarigga horjoogaha ayaa ka dambeeyay kaddib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo lunsasho raashin gargaar ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Jowhar ka jirtay cabsi la xiriirta weerar ay magaalada ku qaadaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

COMMENTS