December 20, 2014 | Posted by admin

Hooyadda dhashay todobo cunug oo maydkooda laga helay guri ku yaala Austrelia jimcihii ayaa loo xidhay inay gashay dembi dil.
Sargaal u hadlay booliiska ayaa sheegay inay soo miyirsatay oo ayna hadda la hadlayso booliiska iyada o ku jirta Isbitaalka halkaas oo lagu ilaalinayo.
Maydadka sideed ilmood oo kala jira 18 bilood ilaa 15 sano ayay booliisku heleen, markii la soo gaarsiiyay warbixin sheegaysa in ay gurigaasi joogto islaan dhaawacyo halis ah qabta.
Booliisku waxa ay sheegeen in ay guriga ka soo saareen hub iyo macluumaad ku filan.
Dhacdadani waa mid kamid ah dil wadareedkii ugu darnaa ee ka dhaca Uastralia, sideed ilmood oo mayd ah ayaa laga helay guri.
Kan ugu yar waxa uu jiray 18 bilood, kan ugu wayna waa 15 sano. Waxaa la rumaysanyahay in todobo kamid ah caruurta ay walaalo yihiin.
Hooyadod ayaa loo xidhay dilka caruurtaasi, waxaana lagu ilaalinayaa Isbitaal.
Ubaxyo ayaa la dhigay guriga hortiisa, murugo iyo argagax ayaa bulshadii ku habsaday. Kiniisad ka agdhaw goobta uu dhibku ka dhacayna waxaa lagu qabtay baroor diiq iyada oo shumacyo la shiday.
Rai’sal wasaaraha Australia, Tony Abbot waxa uu sheegay in tani ay tahay ”dambi aan wax lagu tilmaamo lahayn” taas oo sababaysa murugo caloolxumo leh” oo wadanka oo dhan ah.
Australia waxa soo maray todobaad argagax leh, waxana isbuucan la kawsaday weerarkii lagu qaaday Cafateeriyada Sydney, waxa uuna ku soo gabagaboobay geerida ku timid caruur badan oo ka dhacday guri ku yaala Keensi.

COMMENTS