June 26, 2015 | Posted by admin

Haweeney 51 sano jir ah oo lagu eedeeyay inay dishay sideed cunug oo ay dhashay ayaa maxkamad lagu saaray waqooyiga dalka Faransiiska.
Dominique Cottrez ayaa sheegtay inay dhibtootay kaddib markii ilmaha ay guri qarsoodi ah ku dhashay.
Hugh Schofield reports.
Haweeneydan, Dominique Cottrez ayaa hoysay markii ay maxkamadda ay soogashay.
Kaddib dacwadda markay ay socoto hal isbuuc, xeer ilaaliyaha waxa uu go’aan ka gaaridoonaa inay dembi gashay ama in ay maskax ahaan xanuunsanayd markii falka ay fulineysay.
Dhaqtar hore ayaa waxa uu sheegay in ay dhibaato maskaxeed ay muddo qabtay, taas oo ay aabeheed ka dhaxashay.
Dhaqtarka ayaa intaasi raaciyay inay ka baqeysay in cunugkastoo uu yahay kan aabeheed.
Cunug kastaana way ceejisay waxayna ku aastay, hareeraha guriga ay sida sirta ah ugu dhaleysay.
Qareenka difaacaya waxa uu sheegayaa in aysan u arkin dhammaan inay ilmo yihiin, balse ay ugu muuqdeen sida waxyaabo yaryar oo nafteeda ah.
Sababtoo ah way buurneyd, qofna, xittaa seygeeda ma ogaanin in Dominique Cottrez ay uur leedahay.
Ayada nafteeda waxa ay sheegtay in haddii qof un uu ogaaday, inay taasi joojin kari lahayd waxa ku qasbaaya dilka caruurteeda, ayna raadin lahayd caawinaad.

COMMENTS