February 18, 2013 | Posted by admin
Caag biyo ay ku jiraan

Wararka ka imaanaya jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay geeriyootay hooyo dhashay siddeed carruur ah kaddib markii ay biyo ka cabtay baraag summeysan.

Siddeeddii carruur ee ay dhashay ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal ku dhex yaalla Jaamacadda Kismaayo kuwaasoo cabbay biyaha summeysnaa.

Gabar siddeed bilood jir ah ayaa ka mid ah carruurta la dhigay isbitaalka, taas oo la sheegay inay ku summowday naas-nuujin.

Dhibbanayaasha oo ka jeeda qoys xoolo dhaqato ah ayaa la sheegayaa inuu ku adag yahay neefsiga, sida uu sheegay madaxa waaxda isbitaalka ee jaamacadda Kismaayo, Maxamed Cabdiraxmaan Sahal.

Sahal wuxuu Bar-kulan u sheegay in ay ku guuleysteen badbaadinta nolosha qoyska oo uu sheegay inuu haatan wanaagsan yahay caafimaadkooda.

Wali lama oga nooca sunta loo sticmaalay biyaha iyo cidda ka dambeyn karta summeynta baraagta.

COMMENTS