March 4, 2012 | Posted by admin

Magaaladda The Hague ee wadanka Holland waxaa shalay 3/03/2012 ka dhacday munaasabadii ugu ballaarneyd ee Soomaalida ku dhaqan Holland isugu timaado sanadihii ugu dambeeyey, waxaana munaasabadani aheyd mid lagu soo dhoweynayey wefdi uu hogaamninayey Ex. Ra’iisul Wasaare Max’ed Cabdullaahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminay.

Cali Yaxye oo ka mid ahaa aqoonyahanadii soo qabanqaabiyey munaasabada, oo ugu horreyntii ka hadlay ayaa dadkii madasha kaga mahadceliyey soo dhoweynta ay u sameeyeen Farmaajo.

Munaasabadani lagu soo dhoweynayay Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale soo qaban qaabiyay sida ay sheegtay Xamza Ha-Noolaato shaqsiyaad ku nool wadankani in mudo ah kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Yaxye, C/qaadir Nuune, Wardheere iyo Sheekh Cumar Cabdulle Qaanso oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Holland ku nool.

Khudbado soo dhoweyn iyo mid lagu taageerayay halgankii Farmaajo iyo xukuumadii uu madaxda ka ahaa oo halkaasi laga soo jeediyay kadib waxaa la guda galay in wafdigii Farmaajo la socday ay la hadlaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu soo dhoweeyay Wasiiru dowlihii Maaliyada xukuumadii Framaajo Xildhibaan Max’ed Xassan oo ka hadlay waxqabadkii xukuumaddii Farmaajo.

“Wasaarada Maaliyada waxaan ugu tagnay 45 qofood oo aanu ka jirin hal qof oo qualified ah, markaan xilka qabanay waxaa sameynay nidaam midkii hore ka duwan iyadoo aan kor u soo qaadnay dhaqaalihii soo geli jiray xukuumadda, qof walbana waxaa awood u yeelanay inaan maareyno noloshiisa, taasna waxay sababtay in meesha ay ka baxdo masuqmaasuqii” ayuu yiri Xildhibaan.

Intaas kadib waxaa la guda galay khudbadii Farmaajo ee dadka ay sugayeen, wuxuuna ugu horeyn Farmaajo u mahad celiyay dadkii soo dhoweeyay.sidoo kale wuxuu u mahad celiyay guddigii soo qaban qaabiyay xafladani ee isu xil qaamay in ay isu keenaan Soomaalida ku nool Holland.

“Soomaalidu waa dad qalbi fiican balse ciladeenu waxey noqotay qabyaalad, wax kasta wixii caqli & dadnimo aan laheyn halkaas ayey inooga luntay” ayuu yiri Farmaajo

“GPS ka haddii adiga oo meel u socdo uu 2 mar ku qaldo waa inaad damisaa oo aadan mar dambe isticmaalin taasna waxaa la mid ah qabyaalada, waxeyna qabyaaaladu noo keentay wax badan oo haadaan nagu riday, waxaan noqonay wadanka keliya ee adduunka 20 sano gudaheed uu ku dhacay 2 mar abaarta ugu xun” ayuu yiri Farmaajo.

“Qabiilka waxaa ka faa’iideystay dad aan isu kalsooneyn oo rabay inay danahooda ku fushadaan, waxeyna gaarsiiyeen inuu abtigiis dilo isagoo markaa isku haysta inuu guul gaaray, caqligaas xun wuxuu naga reebay caalamka, fiiri Ugandha, kenya & Itoobiya meeqo luqad ayaa looga hadlaa haddana waa dad is haysta, annagii oo isku qoys ahna waxaan leenahay isma rabno” ayuu sii raaciyay Farmaajo oo sheegay in Soomaalida aysan la saan qaadi karin dalalka Afrikaanka ee deriska ah.

Waxaa uu ka faalooday mudadii uu xilka haayay waxyaabihii u hagaagay, isagoo sheegay in Sadax arrimood ay shaqeysay, kuwaas oo uu ku tilmaamay qof wanaagsan oo tayo leh oo garan kara qofka Soomaaliga ah qiimihiisa, talo wadaag in la noqdo oo danta guud laga wadahadlo iyo tanaasul oo intaasna hadii la helo buu yiri qabiil iyo qabyaalad meesha wey ka baxayaan mana soo geli karaan.

“Haddii R/wasaarihii & Madaxweynihii is khilaafeen wax jiro ma lahan waxaad moodaa in labadoodii ay isku qabanayaan laakiin shacabkii ayaa loo qabanayaa, waxey keentay in dowlad kasta ay 3 R/wasaare soo maraan, waxa la isku qabanayaa anigaa kaa talo fiican & aniga, dadka ayaa loo soo bandhigayaa taladii fiican baa la qaadanayaa kadibna dayaxaa la aadayaa” ayuu yiri Farmaajo mar uu ka hadlayay khilaafka Madaxda.

Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamka Soomaaliya oo nabad ah aysan dooneyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadamo badan oo Afrika ah kuwaasi oo dhibaatooyin yaryar ka dhacay kadibna si deg deg ah xal loogu helay, kuwaasoo uu ka xusay qalalaasihii doorashooyinka Kenya, Laybeeriya iyo wadamo kale, balse xiligan ayuu tilmaamay in adduunkii diyaar u yahay in wax laga qabto xaalada Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii shirka London ka dhacay oo uu ku tilmaamay rajada kaliya ee Soomaaliya leedahay.

Hase ahaatee wuxuu xusay dad ajnabi ah oo Soomaaliya waxba la dooneyn, inkastoo uusan cara baabin dadkaasi balse ku gaabsaday in maalmahan warbaahinta ay ka hadlayeen.

“Waxaa jira dad ajnabi ah oo aan Soomaali la rabin in ay meel gaarto, magacyadooda inaan sheego ma rabo, baryahan idaacadaha in ay ka hadlayeen ayaa maqlayay, igamana istaahilaan in aan magacyadooda halkan ka sheego, waxaa la leeyahay waa xukun jecelyahay, maxaan u tanaasulay hadaan xukun jaceyl qabo” ayuu yiri Farmaajo.

“Dadka hadalkaasi ku hadlay waxaa la dhihi jiray afkiisuu ka yiri, marti uga noqon maayo wadankeyga, anigu wadani baan ahay waalidkeey wadani bey ahaayeen, maamulka soomaaliya marti ka noqon maayo, qof kasta oo soomaali ah xal muqadas ah ayuu ka leeyahay, ma ahan wax inaga keliya ii gaar ah, qof ama 2 qofood wax qaban karo” ayuu sii raaciyay Farmaajo.

Ugu danbeyntii wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Annaga urur ayaan ku dhawaaqeynaa, ururkaasna waxaa saldhig u ah sidii wadanka cadaalad loogu heli lahaa, caruurteena ay ogaadaan in ay dal & dad leeyihiin, waxaana aasaas u ah in dadka qaxootiga ah ee walaalaheen ah sidii dib loogu celin lahaa wadankooda oo nabad ah” ayuu yiri hase ahaatee ururka magaciisa kuma dhawaaqin balse xubnihii la socday ayaa sheegayay in ururkani magaciisa uu yahay Tayo, maadaama ay xukuumaddii uu madaxda ka ahaa la oran jiray Wasiiro tayo leh.

30-ka Bishan ayuu sheegay Farmaajo in si rasmi ah meel walbo oo caalamka ka mid ah hal mar looga dhawaaqi doono iyadoo la adeegsanayo warbaahinta casriga ah ee la iska arko.

Socdaalkani farmaajo uu ku yimid Holland ayaa ka mid ah socdaalada uu ku marayo wadamada Yurub, waxaana lagu tilmaamay mid uu ku doonayo in uu miiska siyaasadda ku soo fuulo mar kale, walow dadkii su’aalaha ku weydiiyay shirkani ay ka codsadeen in socdaalada Yurub uu ku marayo in uu u badalo gudaha dalka maadaama meelihii laga taageeray ay u badnaayeen gobolada dalka.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
[email protected]

COMMENTS