January 9, 2013 | Posted by admin

Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne” oo ahaa hoggaamiyihii burcad badeedda ee gobollada dhexe ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inay asaga iyo kooxdiisa ka tanaasuleen falalkii burcad badeednimada ee ay ku howlanaayeen.

Af-weyne oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan wax yar kaddib mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyoo Xeeb ayaa sababta keentay tanaasulka ku tilmaamay inay ka dhalatay dadaal muddo dheer laga soo shaqeynayay oo la xiriiray sidii ay uga tanaasuli lahaayeen falalka ay ku howlanaayeen.

Wuxuu wareysiga ku sheegay inuusan mar dambe ku noqoneyn howlihii burcad badeednimada, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada burcad badeedda ah ee ku sugan  gobollada kale ee dalka inay ayagana tanaasulaan.

Hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda wuxuu sheegay inay falalka burcad badeednimada ku jireen muddo siddeed sano, isagoo sheegay inay burcad badeednimadu leedahay dhibaatooyin badan.

“Waa in la xisaabtamaa, burcad badeednimadu waxay leedahay khasaarooyin badan oo naf iyo maal-ba leh, sumcad darro, dhibsasho adduun, mid Soomaaliyeed, dhibaato ka dhan ah dadka dan-yarta ah iyo horumar la’aan,” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay sababta ku kalliftay inay isaga baxaan burcad badeednimada.

Hase yeeshee wuxuu diiday in ciidamada caalamiga ah ee la dagaallanka burcad badeedda ee jooga xeebaha Soomaaliya ay ku khasbeen asaga iyo raggiisa inay ka tanaasulaan burcad badeednimada.

Wuxuu sheegay inay ka mid noqonaan bulshada caadiga ah, isla markaana ay galayaan ganacsiga, halka qaar kalena ay yeelan doonaan xirfado ay ku shaqeystaan.

Af-weyne ayaa ku xusnaa warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay sanadkii hore oo dhalisay muran badan kaddib markii warbixinta ay sheegtay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu baasaboor diblomaasi ah u sameeyay asaga.

Warbixinta oo uu soo saaray guddiga ay Qaramada Midoobay u xil-saartay kormeeridda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Af-weyne u safray dalka Malaysia bishii April ee sanadkii la soo dhaafay isagoo isticmaalaya baasaboor diblomaasi ah oo uu siiyay madaxweynihii hore ee dowladdii federaalka ee ku-meel-gaarka aheyd, balse Shariif wuu beeniyay eedeyntaasi.

Af-weyne wuxuu kaloo haystay dukumeenti laga soo saaray xafiiska madaxweynaha oo sheegayay inuu ku lug lahaa “howlo lagula dagaallamayo burcad badeedda,” sida uu sheegay guddiga kormeerista cunuqabataynta hubka.

Hase yeeshee, Shariif Sheekh Axmed ayaa isla markiiba ka jawaabay eedeyntaasi, wuxuuna warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooaby ku dhaliilay warbixinta guddiga oo uu ku tilmaamay mid aan isku dheelli tirnayn oo ay ka buuxeen eedeymo aan la xaqiijin.

Madaxweynihii hore ayaa ku adkeystay in sababta baasaboorka loogu sameeyay ay ahayd mid lagu dhiirri-gelinayay Af-weyne inuu burburiyo shabakaddiisa burcad badeednimada ah, sidaasi waxaa qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dhaqan celin u sameyso shaqsiyaadka isaga baxaya burcad badeedda, si loo siiyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

Af-weyne iyo dhowr ka mid ah saaxiibbadiis ayaa shirka jaraa’id ku qabtay Cadaado waxaana shirkooda ka qeyb galay odayaal dhaqameed iyo xubno ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay inay mar hore dowladda iyo maamullada ka jira bartamaha Soomaaliya ku war geliyeen inay ka baxeen burcad badeednimada, isagoo codsaday inaan dib dambe loola xiriirin.

Arrintan ayaa imaanaysa hal maalin kaddib markii wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Fiqi uu sheegay in burcad badeeedda ku sugan Soomaaliya ay taageero ka helaan dowlado shisheeye oo doonaya inay wiiqaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Af-weyne wuxuu hoggaamiye caan ah u ahaa kooxo burcad badeed ah oo saldhigyo ku lahaa bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo si gaar ah ugu xoogganaa magaalada xeebta leh ee Xarardheere ee gobolka Mudug.

Burcad badeedda ku sugan deegaannada Puntland waxaa hoggaamiya Faarax Xirsi Kulan oo loo yaqaanno ‘Booyax, kaasoo ilaa hadda aan go’aan ka soo saarin ku sii jirista ganacsiga burcad badeednimada iyo inuu ka tanaasulayo sida saaxiibkiisii hore, Maxamed Cabdi Af-weyne.

COMMENTS