January 10, 2013 | Posted by admin

Muqdisho- Taliyaha Hoggaanka Socdaalka  General C/llaahi Goofoow Maxamuud  ayaa faah fahin ka bixyey Soomaalida dibedaha  ku soo laabanaya
Taliyaha  oo warbaahinta Qaranka kula la hadlay xafiiskiisa  manta ugua waramay ku soo laabashada dadka Soomaaliyeed ee dalalka adduunka ka kala imaanaya,  ayaa xusay in tirade dadkaasina ay sarre u sii kacday.

War-bixinta  Sannadkan  iyo midda Todobaadka ee uu saaro hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyada ayaa noqotay mid heerkiidii dhaaftay marka loo eego sanadihii hore, waxaana warku uu sheegayaa in sannadka dalka dib ugu soo laabteen 83. 629 muwaadiniin Soomaaliyeed halka Toodobaadkiina ay yimaadaan dad kor u dhaafaya 2000 oo Soomaali ah.

COMMENTS