October 25, 2014 | Posted by admin

Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in la baaraayo oo la hubinaayo caafimaadka dadka kasoo dega Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
thumb (4)

Generaal C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka ayaa ku waramaayo in Ajaanib iyo Soomaali intaba la hubinaayo caafimadkooda si looga gaashaanto cudurka halista ah ee Ebola oo caalamka walaac badan ku haayo.

Gaafoow ayaa wuxuu tilmaamay in laamaha ammaanka Garoonka Muqdisho ay yeelan doonaan shir amniga ku saabsan si looga hortago cudurkaan halista ah ee Ebola.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Garoomada dalka la dhigaayo qalab cafimaad si loo hubiyo caafimaadka dadka ka imaanaayo aduunka.

Walaac badan ayaa laga qabaa cudurka halista ah ee Ebola oo caalamka dhan uu la tacaalaayo ka hortagiisa.
– See more at: //risaala.net/articles/22800/Hogaanka-Socdaalka-dalka-oo-sheegay-in-la-hubinaayo-caafimaadka-dadka-Garoonka-Muqdisho-kasoo-dega#sthash.xptckj80.dpuf

COMMENTS
  1. I simply want to mention I am newbie to blogging and site-building and definitely enjoyed this web-site. More than likely I’m want to bookmark your blog . You absolutely have very good well written articles. Kudos for revealing your blog site.