February 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Taliska Ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ku qabsan doonaan Magaalada Afgooye oo ilaa 30-KM dhanka koofureed kaga beegan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Hogaanka sare Amisom ayaa cadeeyay in dhowaan qorsheynayaan inay la wareegaan Afgooye, isagoo xusay in ciidamada Amisom markii u horeysay bilaabeen inay banaanka uga baxaan magaalada.

Jen. Fred Mugisha ayaa cadeeyay in ciidamada u diyaarsan yihiin sidii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ku dhow dhow magaalada Muqdisho sida uu yiri.

Ciidamada Amisom ayaa fariisin ka sameystay labo goobood oo ku taala duleedyada koofureed iyo galbeedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay kala wareegeen Shabaab.

Wariyeyaasha ayaa sheegaya in ciidamada Amisom labadii maalmood ee u dambeeyay wadeen diyaar garow iyo dhaq dhaqaaq ku aadan deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Afgooye.

Boqolaal qoys ayaa maalmihii u dambeeyay ka soo barakacayay deegaanada duleedyada Muqdisho, iyagoo ka baqanayay dagaalada ku soo wajahan, waxaana qul qulka dadkan ahaa mid aad xad dhaaf u ahaa.

COMMENTS