December 14, 2014 | Posted by admin

140708142550_omar_al-bashir_512x288_afp_nocredit
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa sheegay inuu ka guulaystay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, kaddib markii ay hakisay baaritaano ay ka wadday dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Daarfuur.
ICCda ayaa 2009-kii ku eedaysay Cumar Xasan Al-Bashiir inuu 2003-dii ka gaystay dambiyo gobolkaasi, hasayeeshee waxa uu diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.
Madaxweyne Al-Bashiir, ayaa sheegay in ICC-du ay ku guuldaraysatay iskudaygii ay ku doonayeen inay ku bah-dilaan Suudaan.
Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka Suudaan ay u midoobeen maxkamadaha gumeysiga.

COMMENTS