December 12, 2012 | Posted by admin

Hoggaamiyaha ururka Alshabaab Abu Zubeyr ayaa cajalad maqal ah uu soo saaray waxa u ukaga hadlay arrimo ku saabsan Jubooyinka iyo dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Abu Zubeyr ayaa waxa uu sheegay in ay awood u heleen in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya ayna fashiliyeen ujeedooyinkii ay dowlada Kenya ka lahayd dalka Soomaaliya.

Cajalada maqalka oo uu soo saary hogaamiyaha ururka Alshabaab ayaa waxa uu ku sheegay in ay weli awood ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose oo uu tilmaamay inay ka qaadaan dadka sakada ayna weli ku dhex faafiyaan shareecada Islaamka.

Sidoo kale hogaamiyaha Alshabaab ayaa waxa uu ugu baaqay dadka muslimiinta ah ee ku nool dalalka Kenya iyo Ethiopia inay la dagaalamaan maamulada ka jira dalalkaas oo ku tilmaamay inay yihiin gaalo.

Arrimaha dalka Ethiopia ayuu sheegay inay tahay fursad in Meles Zanawi geeridiisa laga faa’ideysto ayna tahay in shacabka reer Ethiopia la dagaalamaan xukuumadooda.

Cajaladan maqalka ah ayuu hogaamiyaha ururka Alshabaab uusan ku soo hadalqaadin arrimaha soo foodsaaray ururkaas oo haatan ay ka baxday gacantooda deegaano badan oo ay hore u maamuli jireen.

COMMENTS