December 9, 2012 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mondela ayaa la dhigey isbitaal ku yaal caasimada Pretoria.

Xafiiska madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in Mandela oo 94-jir ah horayna u soo naqday madaxweynaha Konfur Afrika uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo aysan jirin xaalad qatar ah oo uu ku sugan yahay iminka.

Mudane. Mandela ayaa inkabadan labaatan sano waxa uu ku jirey xabsi xukunkii midabtakoorka dowladii cadaanka ahayd ee ka talin jirtey dalkiisa.

Mandela ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah oo xukuma dalka koonfur Afrika intii u dhexeysay 1994-1999 waxana uu ku guuleystay abaalmarinta Nabada 1993 ee Nobel Peace Prize.

Hogaamiyihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaan lagu arag fagaarayaasha tan iyo markii uu howlgabka noqday sanadkii 2004.

Bishii Janaayo 2011 ayaa laga daweeyay feero xanuun sanad kadibna waxaa laga daweeyay xanuuno kaga dhacay caloosha.

Hase yeeshee lama shaacin sababta hadda loo dhigey isbitaalka Mandela waxaana ay dowlada dalkaasi sheegtay in ay tahay in mar walba baaritaan lagu sameeyay maadaama uu yahay qof da’ ah.

Mudane. Mandela ayaa xilliyadii u dambeeyay waxa uu ku noolaa tuulada Qunu oo deris la ah halkii uu ku dhashay.

COMMENTS