December 6, 2017 | Posted by admin

Waxaa Maanta Lagu Wadaa in si rasmi ah loo soo Afjaro Heshiiska Maalmahaan Soo Jiitamayay ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusun.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Maanta Gilinka Dambe lagu qaban Doonaa Shir Muhiim ah oo ay Ka wada qayb galayaan Ahlusuna iyo Galmudug.

Xubnaha ka qayb galaya ayaa La sheegay in ay Yihiin Madaxa Ugu Sareeya ee ahlusuna iyo Shiikh Axmed Shaakir, Halka Galmudug ay usocdaan Madaxwayne Xaaf iyo Ku xigeenkiisa iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu isku keeno Ka dibna Go”aan Cad laga Gaaro dhamaan Wax allaala iyo wixii Khilaaf ahaa ee ka dhaxeeyay Labada dhinac.

” Shirkaan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Shir lagu qabtay Wadanka Jabuuti Laguna Heshiiyo Qodobo Muhiim ah iyo sidoo kale in shir kale lagu qabto Magaalada dhuusamareeb.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS