October 30, 2012 | Posted by admin

Waa Heestii “Xamar Waa La Xaalmariyey” waxayna ka soo maaxatay maskaxdii abwaankii weynaa Abdulqadir Nuuraani waliba Erayadii & Laxankii waa isla Abwaan Abdulqadir Nuuraani waana Codadkii : Mohamed Muhyadin Xaaji & Sahruuja waxaa Musikada Tumay Abduwahab C. Naaji.

Heestaan ayaa markii ugu horeysay laga qaaday gobolka Minnesota, magaalada Rochester xaflad loo sameeyay madaxda dalka Soomaaliya. Dhamaan abwaanka iyo labada fanaan ee ku luuqaysay ayaa kala degan Rochester iyo Marshal Minnesota, waliba heestan kaliya ma ahan ee waxay u sameeyeen heeso aad u farabadan oo wadani ah tan iyo markii la doortay M/weyne Prof. Hassan, Gud. B/lamaanka Jawaari iyo R/wasare Saacid.

North America Duhur Media
Muktar Katiitow

COMMENTS