January 16, 2012 | Posted by admin

Warsaxaafadeed ay hey’adda ICRC soo saartay ayaa lagu sheegay in hey’addu ay go’aan ay ku gaartay in si ku meel gaar ah loo hakiyo howlihii gargaarka ee  loogu talagalay in ka badan 1.1 million oo dad Soomaaliyeed ah oo u baahan cunno iyo gargaar kala duwan tan iyo inta laga fasaxayo  gargaar ay hey’addu leedahay oo sida ay sheegtay lagu xanibay gobollada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Patrick Vial oo  ah madaxa hey’adda ICRC ee Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid sii socon doona inta  ay dib uga  helayaan qalabka iyo raashinka looga heysto qeybo ka mid ah Soomaaliya oo sida uu sheegay ay heystaan qaar ka mid ah maamullada ka jira gobollada dhexe iyo koofureed  in kastoo uusan si rasmi ah u sheegin cidda rashinkaas iyo qalabkaas heysata.

Hey’adda ICRC waxa ay ka mid tahay hay’addaha tirada yare ee Soomaaliya muddo dheer howlaha  gargaar ka waday waxaan warsaxaafadeedkaan  lagu sheegay in gargaarka ay Soomaaliya kawadeen ay ka faa’iideysan jireen dad tiradoodu ay tahay 1.1 million oo barakacayaal u badan iyada oo weliba ay jireen caqabado hey’adda soo wajahay sida warsaxaafadeedkaasi lagu qoray, waxaa qalabkaasi uu ku xaniban yahay gobollada Galgaguud iyo Shabeellada dhexe.

Mr Patrick waxa uu tilmaamay in xiriir la sameeyeen maamulladaasa  hayeeshee ay ka gaabsadeen in jawaab  ka bixiyaan  dalabkoooda in qalabka xanibaadda laga qaado si shuruud la’aan ah si hey’addu howlaheeda ay u wadato.

Cunnadaas waxaa lagu waday in loo qeybiyo dad badankood  ay abaartu saameysay muddo dheer  iyo beeraley gaaraya ku dhowaad boqol ruux .

Hey’adda ICRC waxa ay sheegtay in aad uga xuntahay dhibaateyta joogtada ah ee lagu hayo dadka gargaarka qeybinayo ee u adeegayo shacabka abaartu ku heysato Soomaaliya.

COMMENTS