August 25, 2014 | Posted by admin

Ciidamada Dowladda Somaliya oo garab ka helaaya Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay hawlgal ka sameeyeen deegaanada ka baxsan deegaanka Goof-gaduud, oo qiyaastii 26km u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ciidamada oo ka dhaqaaqay Goof-gaduud, ayaa waxay isku fidiyeen deegaano ay ka mid yihiin Manaas, Barqo iyo Barbaar, iyagoona iska horimaad kula galay dagaal-yahano ka tirsan Shabaabka.

Deegaanadaan waxay ka mid yihiin goobaha ay weerarada ka soo qaadaan Shabaabka, kolka ay weerarayaan deegaanka Goof-gaduud, oo ay fariisimo ballaaran ku lee yihiin Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Axmed Maxamed Aadan (Axmed Jadiid), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in hawlgalka ay ku soo qab qabteen rag la yaqaano oo ka tirsan Al Shabaab, isla-markaana ay toogteen.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa hoosta ka xariiqay in uu sharci uga yaalo xubnaha ka tirsan Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, isla-markaana uu go’aankoodu yahay in qudha laga jaro, Shabaab kasta oo nolosha lagu qabto.

Axmed Jadiid, ayaa waxa uu intaa ku daray in ay sii wadi doonaan hawlgalada ay ku beegsanayaan goobaha, ay dagaal-yahanada Shabaabku ka jooggaan Gobolka Baay.

Baay waxaa ka bilowday hawlgalo militari oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, iyadoo ay qayb ka yihiin hawlgalada kale ee ka bilowday qaybo ka mid ah dalka. Waxaana la doonayaa in laga wada saaro dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

COMMENTS
  1. wfxuyuooklz said:

    uQAu7d cvbuiuuwgaxi, [url=//fohbipgbgoia.com/]fohbipgbgoia[/url], [link=//toqvmsjyauma.com/]toqvmsjyauma[/link], //qxvhgqgiwnpz.com/

  2. mthuvgasqgy said:

    JACE8Q lqrlwqojnirx, [url=//gruiohchrshk.com/]gruiohchrshk[/url], [link=//zlzxkqxvmyau.com/]zlzxkqxvmyau[/link], //yifhlhsyxeqy.com/