London:
Xaflad si heer sare ah looga soo shaqeeyey oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga Qabanqaabiyayaasha madaxda Maamulka Waax iyo Waadi ayaa lagu qabtay magaalada London.
Xaflada oo aheyd casho sharaf ay sameeyeen qabanqaabiyaasha Waax iyo Waadi waxaa loogu talagalay in lagu falanqeeyo doorka fanka iyo saxaafada ay ku lahaan doonaan dhismaha cusub ee maamul goboleedkan.
Xiriiriyihi xaflada C/laahi Xasan Max’ed Wiish ahaana wiilki xaflada isku so dabariday ayaa makrafoonka ku soo dhaweeyey ugu horeyn Marwo Jawahir Barqab oo ah Marwo waqtigeeda Qaaliga ah u hurtay inoow cagaha isu taago maamulkan, waxaana ay u mahadcelisay ka qeybgalaaysha oo ay sheegtay iney dareensantahay sida ay ula safanyihiin dadaalka ay wadaan gabdhaha Waax iyo Waadi ku abtirsada.
Marwo Jawahir ayaa ka codsatay fanaaninta iney kala shaqeeyaan sidi dadka loo wacyigalin lahaa iyadoo tibaaxday in wadciga la joogo ay fanaaniinta yihiin jiheeyayaasha bulshada.
Fanaaniinta xaflada ka soo qeybgalay waxaa ka mid ah
1-mohamud mohamed Garacade
2-C/raxmaan Shiikh Axmed Gaas
3-C/xakiin Ali Abdukariim
4-Abdiraaq Gadaco
5-Nimo Yasin
Abdi Shire Jooqle
Huseen Qubqac
Cabdi Holland
Cabdi Qaboojiyaa.
Feysal Yare
Ikraam Cadde
Duhur News

All Posts
















