July 19, 2014 | Posted by admin

Haweenay uur laheyd, ayaa xalay waxaa lagu dilay Xaafada Tarabuunka ee Degmada Hodan, kadib markii muran uu soo kala dhexgalay, iyada iyo seygeeda oo xilligaasi kuwada sugnaa aqalka ay ka degan yahay Xaafada Tarabuunka.
Ninka falka dilka ah u geystay Xaaskiisa, ayaa wuxuu yahay Askari Booliiska Soomaaliya ka tirsan, waxaana dilka Xaaskiisa uu adeegsaday Qori Ak-47 ah oo uu watay, sida ay xaqiijiyeen ehelada haweenayda la dilay.

Haweenayda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nadiifo Axmed, waxa ayna laheyd uur inkastoo aan la sheegin Bilaha uu la ekaa Uurka ay laheyd.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa kusoo yaacay ehelada haweenayda falka dilka ah loo geystay, waxaana usuuragashay inay gacanta ku dhigaan Ninka dilay Xaaskiisa, iyadoo hada ninkaasi uu ku xiran yahay Saldhiga Booliiska Degmada Hodan.

Rasmi ahaan wuxuu salka ku haayo Muranka Haweenaydaasi nolosheeda ay ku weyday lama oga, laakiin dadka deriska ah, ayaa sheegay inay maqlayeen muran xoogan oo dhexmaraye Askariga iyo Xaaskiisa, kadibna ay ka warheleen xabad dhacday.

Ciidamada qaar ee Dowladda ka tirsan ayaa marka ay kusoo wareeraan Magaalada, waxa ay tagaan aqaladooda iyaga oo aanan laheyn Dulqaad badan oo ku aadan arimaha guriga ka taagan, waxaana taasi ay sababtaa in marka haweenka ay la murmaan ay ugeystaan falal dhibaatooyin ah ama dil toos ah.

Dhacdooyinka caynkaan ah ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana horay udhacday Askar Dowladda ka tirsan inay dileen haweenkii ay qabeen, sababo lagu sheegay kaliya muran, halka qaarkoodna Maseer/Hinaase ay udileen.

COMMENTS