DUHUR-Wararka ka imaanaya magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay maleeshiyada Al-Shabaab maanta xirtay haweeney 70 jir ah oo lagu magacaabo Xulbo Cawaale.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa haweenayda kala degay gaari ay saarnayd xilli ay arrimo caafimaad ugu socotay magaalada Muqdisho, sida ay Bar-kulan u sheegeen dadka deegaanka.
Al-Shabaab ayaa haweeneyda ku eedeysay in ay la shaqeyso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, isla markaana ay u guurtay deegaanka Kala-Beyrka xilligii ay Al-Shabaab ku sugnayd magaalada Beledweyne.
Dedaallo lagu sii deynayo haweeneyda oo ay wadeen odayaasha Buulo-burte ayaa lagu guul-darreystay, waxayna dadka deegaanka sheegeen in ay haweeneydu aad u xanuunsaneyso oo ay ku jirto xaalad koomo ah.