April 29, 2017 | Posted by admin

Culimo diinta Islaamka taqaana oo dumar ah ayaa
soo saaray fatwo naadir ah oo ku saabsan
carruurta la guursado.
Fatwadan oo aan sharci ahaan u dhaqangalaynin
ayaa loo arkaa in ay saamayn wayn yeelan
doonto, waxay ka soo baxday kulan saddex
maalmood ka socday Indonesia oo ay lahaayeen
dumarka culimada ah.
Dumarkan culimada ah waxay dawladda ugu
baaqeen in ay da’da ugu hoosaysa ee ay
gabdhuhu ku guursan karaan laga dhigo 18 halka
ay hadda ka tahay 16.
Aqlabiyadda dadka Indonosia waa Muslimiin
waxaana ka dhaca guurka ugu badan ee carruurta
adduunka soo wajahda.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
carruurta ee Unicef waxay sheegtay in afartii
gabdhood ee reer Indonesia ahba midood la
guursado inta aysan 18 sano gaarin.
Shirkan wuxuu ka dhacay jasiiradda Java island,
waxaana lagu tilmaamay kulankii koobaad ee ay
haween intaas la eg oo culimo ah ay ka
qaybgalaan.
Fatwooyinka si joogto ah ayaa looga soo saaraa
Indonesia balse caadiyan waxaa soo saara
guddiga culimada oo ah waaxda ugu saraysa ee
arrimaha diinta Islaamka ee dalkaas, xubnaha
gudigaasina badankood waa rag.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS