July 20, 2014 | Posted by admin

Hargeysa-Waxa Xalay shir balaadhan magaalada Hargeysa isugu yimid dhalinyaradda Beelaha Subeer awal Ee Ururka Jiidali Iyo dhalinyarada Beelaha Habaryoonis ee talo Iyo Tawfiiq.

Kulanka is araga labada Ardaa ee dhalintan ayaa ka Qabsoomay Hoteel Empiriyal ee magaalada Hargeysa Ma cadda ajandayaasha layskula Qaatay maadama Oo Warbaaintu debed joog ka ahayd balse wararka ayaa sheegay in uu ahaa kulankoodi u horeeyay isbarasho iyo isu xog waran labada dhinac ahna uu ku koobnaa,
Dhalinyaradda ayaa sida la sheegay isaga xog waramay xaalada iyo marxaladaha jaahwareerka siyaasadeed ee dalku galay iyo sidii dhankooda ka dhalinyaro ahaan ay hadaf uga wada yeelan lahaayeen.

Kulankan ayaa ahaa Mid siyaasadeed isla markaana ka dhan ah xukumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo Waxana dhalinyaradu kaga duulayeen odoroskooda mustaqbalka ee labadda Xisbi Mucaarad.

Ma Jiraan wax warar dheeraad ah oo kulankaasi Kaasoo Baxay Iyagoona Dhalinyarada Qaarkood Oo shebekadda Oodweynenews La Xidhiidhay ay ka Gaabsadeen Inay ka hadlaan Ujeedada Kulanka kuna Soo koobay in uu bar bilow U Yahay kulama u bilowday Labadda Dhinac ee dhalinta Beelaha SUBEER AWAL EE JIIDALI Iyo Kuwa HABAR YOONIS Ee TALO IYO TAWFIIQ.
Isku soo wada duubo Kulankan ay Fooda is Dareen Dhalinta Labadda Ardaa ayaa imanaya Shirar iyo kulama is daba jooga ah oo Beelaha HABARMAGAADO Mudooyinki udambeeyay Yeelanayeen Kuwaaso duufaano mucaradeed oo hor leh ku Kiciyay xukumadda KULMIYE.

COMMENTS