April 16, 2014 | Posted by admin


Hargeysa-Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta ka soo baxay Magaalada Taleex oo ay shalay qabsadeen,sida ay Ramaasnews u sheegeen goob-joogayaal ku sugan Magaalada Taleex.

Ilaa hadda ma cada Sababta ka danbaysa in ay Ciidanka qaranka Somaliland ka soo baxaan halkaasi iyo halka ay imika ku suganyihiinba.
Balse war ay heshay Mareegta Ramaasnews.com ayaa sheegaya in Kulan Maanta dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds ay ka danbsay in ciidanka qaranka Somaliland ka soo baxaan Magaalada Taleex.
Masuuliyiinta Ciidamada iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaan ilaa hada ka hadal sababta ciidanku uga soo baxay Taleex.
– See more at: //ramaasnews.com/index.php/News/News/Hargeysa-Ciidanka-Qaranka-Somaliland-Oo-Ka-Baxay-Taleex.html#sthash.5UQq6Q5v.dpuf

COMMENTS