March 27, 2012 | Posted by admin

Koox hubeysan ayaa xalay qof rayid ah ku dhaawacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaasi oo gaaray dhaawac halis ah, balse hadda lagu daweynayo Isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Dableydan oo ka koobneyd ilaa iyo afar qof ayaa la sheegay in ay ninkaasi weerareen xilli uu ku sugnaa suuqa jaadka lagu iibiyo ee Baydhabo, isla markaana goobta ka baxsaday markii ay falkaasi geysteen.

Ciidamada DKMG oo goobta weerarka uu ka dhacay gaaray ayaa billaabay baaritaanno ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii ka dambeeyay falkaasi. Ilaa iyo hadda lama oga sababta kooxdaasi hubeysan ay weerarka ugu qaadeen ninka rayidka ah ee ku nool magaalada Baydhabo, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka guud ee magaaladaasi iyadoo wali looha shakisan yahay in haraadigii Kooxda Shabab ku dhuumaleysanayaan magaalada gudaheeda.

COMMENTS