February 19, 2013 | Posted by admin
Wasiirka horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, Maryan Qaasim

Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe wax lagu barayo hal milyan oo arday oo Soomaali ah oo ku kala nool gobollada dalka.

Qorshaha oo ay maanta shaacisay wasiirka horumarinta adeegga bulshada Maryan Qaasim, oo ka hadashay kulan magaalada Muqdisho ay kula qaadatay qeybaha bulshada oo looga hadlayay horumarinta waxbarashada ayaa waxay sheegtay in ay wasaaraddeedu waddo qorshe waxbarasho loogu fidinayo ardayda aan fursadaha u helin in ay iskuul aadaan.

Waxay sheegtay in gobollada dalka laga soo ururin doono ardayda, iyadoo tababar loo fidin doono kumannaan macallimiin ah oo ardaydaas wax bari doona.

Maryam Qaasim ayaa sheegtay in arrintan oo ay gacan ka geysanayaan qaar ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay looga gol leeyahay in lagu soo afjaro waxbarasho la’aanta heysata carruur badan oo Soomaaliyeed oo gaaray xilliga iskuulka.

Duruufaha adag ee xagga nolosha ah iyo raadadkii ay reebeen dagaallada sokeeye ayay wasiirku sheegtay in ay malaayiin carruur ah dhaxalsiiyeen waxbarasho la’aan.

COMMENTS