September 14, 2014 | Posted by admin

Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn speaks during an interview with Reuters inside his office in the capital Addis Ababa
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay dilkii 1-dii bishaan Mareykanku Soomaaliya ugu geysteen hogaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Hailemariam Desalegn oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa dilka Axmed Godane ku tilmaamay guul usoo hoyatay Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ee dhan.

“Dhismashada hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane waxay guul weyn uga dhigan tahay Soomaaliya iyo weliba dalalka dariska la ah” ayuu yiri R/wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

R/wasaaraha Itoobiya oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in hogaamiyihii la dilay ee Alshabaab, Axmed Godane uu uu ahaa mid xasillooni-darro iyo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed iyo weliba dalalka gobolka.

Hailemariam Desalegn ayaa rumesyan in xidlligaan Soomaaliya iyo dalalka deriska ah la ah heystaan fursad ah in Soomaaliya nabad iyo xasillooni laga abuuro.

Sidoo kale Hailemariam Desalegn ayaa ku doodaya in dilkii hogaamiyihii Alshabaab uu biloe u yahay burburka ururkaas “Geerida Axmed Godane waxay muujinaysaa billowgii baaba’a Al-shabaab iyo in ururkan uu noqodo mid liita awood ahaan” ayauu R/wasaaraha Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay si fiican u shaqeyn karaan, maadama sida uu yiri dalka looga diyaar garoobayo doorsho.

“Waxaan u arkaa in wixii haatan ka dambeeya ay hay’adaha Soomaaliya si wanaagsan u shaqeyn karayaan, waayo dalku wuxuu isku diyaarinayaa in doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka” ayauu yiri Desalegn.

Itoobiya oo muddo dagaal kula jirtay Alshabaab ayaa sanadkii tegay ciidamadeedu si toos ah uga mid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM, waxeyna ciidamadooda haatan joogaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

COMMENTS