April 12, 2014 | Posted by admin

Waxaan la kulmay lix saaxibadeey ah oo jaad cunaya fadhiyana qol aad u qaboow waxaa barbar yiil dhowrbaako oo sigaar ah nooca Sportsman, igama nixin saaxibadeey oo waxa eey ogaayeen in aanan weligeey jaad cunin, waxa eey ka doodayeen dibaatada dowlada Kenya ku heeyso dadka soomaalida ah ee halkaa ku nool.

Waxaan qiimeeynay jaadka iyo sigaarka keenya ee maalintaa eey cunayeen kadibna waxaan raadinay inta canshuur ka soo gasho dowlada keenya jaadkaa nahor yaal, iyo mushaarka maalinlaha ah ee Asgariga keenyaanka ah uu qaato oo aad u yar.

Waxaa noo soo baxday in saaxibadeey maalintaa eey bixiyeen mushaarka 14 Asgari oo kenyaan ah si eey ugutaan Amarka dowladooda ee ah in lagu xad gudbo somaalida.

Waxaan xisaabta ku darnay,khudaarta iyo 10.000 oo Hilib digaag ah oo qandaraaslayaal kenyaan ahi ka soo dhoofiyaan Mambasa lana siiyo Ciidamada AMISOM.

(Shabeelaha hoose ayaa laga heli karaa cadadkaa) waxaana abuurmi lahaa suuq dooro tacbasha ah. Sanadkii hore waxaa kismayo laga raray 80 maraakiib iyo dooma ah oo dhuxul sidda ,”Meeyd waxaa u dambeeyay ka la sii sido”, Bishii March /2014 ee hadda dhamaatay waxaa Kismayo laga raray 19 Markab iyo Doon oo sida dhuxl wadartoodu eey dhantahay 1.701.629 loor, waxaana ka mid ahaa maraakibta iyo doomanka qaaday: MSV-Al-Nasir, MSV-Moh-Salim, M/V LOLA 4, M/V-ROBA-Star, M/V-CECILA,M/V-ARKTOS, M/V-ROZEN iyo kuwa kale badankoodana waxaa laga leeyahay Hindiya iyo Camoro, inta badan waxaa la geeyay dhuxusha Mambasa si dib loogu sii dhoofiyo wadamada carabta qaarna Kenya ayaa lagu isticmaalaa si dhirtooda loogu badbaadiyo.(( tusaale gaaban; waxaa la jaraa dhirta dhaadheer ,shimbiraha qaar ayaa ku dhala dhulka, qaarna geedaha gaaban ,qaarkalena dhirta dhaadheer, markii eey dhamaatay dhirtii dhaadheereed lana gaaray xiligii ukunta shimbirihu dhalayeen ,waxaa khasab noqotay in shimbiruhu u hayaamaan dhinaca keenya ,oo eey ku dhalaan. Markii ukuntu dilaacday ee shimbirihii yaryaraa weeynaadeen .

Shimbirihii waalidka ahaa waxa eey u soo noqdeen dhinaca soomaaliya,laakin caruurtii ugu dhalatay dhirta Kenya wey soo raaci waayeen ,waxeeyna la falgaleen shimbira kale oo Kukuuyo Birds ah .)). Dhirta laga jaray sanadkii hore jubooyinku waxa eey u dhigantaa guud ahaan dhirta ku taal laba gobal oo ka mid ah gobalada kale.

Waa run in dhibaato badan soo gaartay dadka soomaalida ah ee ku nool Kenya ,waxaa la soo jeediyay ha isaga soo bexeen oo dhalkooda ha ku soo noqdeen. Taasi waa qorshaha gaaban. Waxaa lagu eedeeyay dowlada in eeyna wax ka qaban arrintaa.

Su;aash 1aad waxa eey tahay ma laga dhageeysanaa? Ninkii dowlada wasiiradeeda iyo taliyaasheeda ciidamada u diiday in eey kismayo tagaan ma kala tashanaa waxa uu ka sameeynayo Nairobi.. Su’aasha 2aad. waxa eey tahay intaa ma loogu sinaa dadka la soo tarxiilayo oo soomaaliya gudaheeda ma uga badbaadayaan kenya?. Fiiri: qorshaha waqtiga dheer. Kenya waxa eey tiri: ciidamada soomalidu sooma dhaafi karaan xuduuda gobalka shabeelada hoose ,Asgarii soo dhaafana waan weerareeyna , wixii Baraawe koofur ka xiga anagaa naloo xil saaray. Kenya yeey isku haleeynaa. Sannad ka badan ayeey ku qaadatay in kismayo la soo gaarsiiyo ciidamadeedu markii eey imaan waayeen.Su’aashu waxa eey tahay yaa soo gaarsiiyay?. Fiiri cadeeymo iyo qoraala badan, waxaa soo gaarsiiyay Isreal iyo Franch.((((Kenyan army’s outstanding victory over Al Qaeda’s Somali Shabaab. Israeli advisers helped..DEBKAfile Exclusive Report October 1, 2012.Tags: Kenya Somalia Al Shabaab Al Qaeda Israel East Africa )))) Fearing the Shabaab was feigning defeat and lurking in the town’s alleys to strike back, Kenyan warships backed by the French Navy shelled suspected terrorist hide outs in Kismayo- Sunday. A Pan African voices for freedom and justice 2013-07-31.

Dhinaca kale: hore ayaa looga shiray mustaqbalka Soomaaliya Fiiri: shirkii Ethiopia iyo Kenya. Issue 64120/11/2012 Ethiopia, Kenya agree to cooperate on security matters…Text of report in English by Ethiopian Ministry of Foreign Affairs website on 20 November. Kenya and Ethiopia stated on Monday (19 November) that they would work closely together to promote peace and security in the region. The statements came at the technical meeting of the 34th Kenya- Ethiopia Joint Ministerial Commission (JMC) which opened in Nairobi, Kenya. Kenya’s attempt at establishing a satellite state remote controlled from Nairobi, and then it reeks of sheer opportunism. The lack of a clear withdrawal time-table from the outset provided a sort cart Blanche, but the danger with an open-ended intervention is the ever-lurking danger of mission creep.

Waxaa lagu doodaayaa in la badalo xuduudaha Africa ,wadama hadda jirana waa la baabinyaa (. Borders are likely to be remade out of a dire need to survive. Countries threatened with extinction). fiiri qoraalada CHARLES ONYANGO-OBBO Posted Sunday, December 18 2011..waxaa uu leeyahay waxaa si nabad ah u kala gu’ay ethiopea iyo eriteria muda yar kadib dagaal ayeey isku bedeshay, sidoo kale sudan iyo Somalia ayaa kala go’ay ,waxaa uu muujinayaa waxa kala go’a in eey laciif yihiin.

Daraasad laga sameeyay sida uu noqon doono isbedelka xuduuduhu waxaa soo baxay (((For anyone interested in the future borders of what is sometimes called the Greater Horn of Eastern Africa (GHEA) – comprising Eritrea, Djibouti, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda and DR Congo – two studies are recommended. The first is a popular piece of work “Fluid Borders: Integration, Federation, and Fragmentation”, by the Society for International Development (SID) which was published in its journal Greater Horn of Eastern Africa Outlook (November 2010).))).

Nin kale oo eey ugu yeeraan khabiir dhinaca xuduudaha ,ayaa ku doodaya in isticmaarku oo dana military ka fiiriiyay xuduudaha eeyna tahay in la bedelo. Wuxuuna ku bedelay kuwa kale. ((((The second was by one of Africa’s leading border experts, Wafula Okumu, who now works with the African Union’s Border Programme. His “Resources and borders disputes in Eastern Africa”, published in the July 2010 issue of the Journal of Eastern African Studies is a fascinating look at how Africa’s borders were made. Okumu argues that contrary to the dominant view, not all colonial borders were arbitrarily drawn. There was a lot of logic to the madness. Colonial powers, according to Okumu, drew borders on the basis of some cold logic; to secure known mineral wealth, and to control rivers and lakes – one reason why natural features became border makers. Secondly, he argues, after the British were routed in the Second Anglo-Boer war, they studied the reasons for their defeat and reached the kind of conclusion African generals and politicians wouldn’t – they lost because of the poor quality and lack of detailed maps for the British military. They formed the Colonial Survey Committee to draw up maps of Africa – and the exercise was largely done by the military. “To the military, a map of features could be more important than a detailed and accurate demarcation of a boundary,” he writes. But one of the most eye-popping gems in the articles, is the citation that, “For all of Africa, only 200,000 square miles of territory had been surveyed in detail by 1914, when some 3.8 million square miles remained unexplored by Europeans.”))))) mid kale ayaa waxa uu talo ku soo jeediyay in la sameeyo, LUO State oo ka kooban qeeyb ka mid ah Uganda, Congo iyo south sudan iyo in Ruwanda laba loogu qeeybiyo HUTU iyo TUUTSI, dadka si isku jinsi ah in la isku raaciyo arrintaa survey laga sameeyay dadka Kenya waa diideen marka laga reebo somalida –kenya iyo kuwa xeebaha dega,tanzaniana waa diideen marka laga reeb reer zinzibar,sida uu leeyahay.

Cilmi baarahani wuxuu taageerayaa feker mar uu qabay madaxweeynaha Uganda oo ahaa Africa wixii isku jinsi ah ha israaceen ((There was a time when Uganda’s President Yoweri Museveni was wont to talk about an East and Central African mega state built on the basis of “Bantu commonality”.))).ferkerkaa ayaa na anfacaa oo soomaali mideeyn lahaa haddii aan ka gadno umadaha nala qabo.

Sababa kale oo wadamada qeeybinaya waa khayraadka dabeeiga ah ,sababayana in shidaal iyo biyo la iska xoogo. kenya oo aan u naqaan wadan biyo badan ayaa ka cabanaysa biyo yari.

(((Posted Saturday, December 17-2011. SCENARIO 1: THE WATER POWERS…The first force driving border changes could be water and fuel. Virtually all the countries in the region, except Tanzania, face serious water stress in the next few years. Kenya is the most stressed: each Kenyan only has 636 cubic metres of water a year, compared with 1,270 cubic metres in Uganda and 2,035 in Tanzania. As a rule of thumb, hydrologists consider 2,000 cubic metres per person per year as the point when a country is considered “water-stressed”, and 1,000 cubic metres as when the situation is critical, and a country is “water-scarce”. So Kenya is “finished”. Water scarcity is likely to hit Uganda by 2035, and water stress will hit the country even earlier, by the year 2020. At the present rate of deforestation, it is predicted that Uganda is likely to be importing fuel wood by 2020. Nairobi water demand stands at 750,000 cubic metres a day against a supply capacity of 530,000 cubic metres. It is projected that the daily demand in 2020 will stand at 1.6 million cubic metres and climb to 2.2 million cubic metres by 2030. So Nairobi City could collapse. In this scenario, the most successful countries will be the water-rich ones or those that have been smart at environmental management: In this scenario, Rwanda and a resurgent DR Congo could eat up Uganda; and Tanzania will become the regional superpower, swallowing most of Kenya. South Sudan will take a chunk of Kenyan and Ethiopian territory)))).

Qormadan hore, lama yaabayo marka uu leeyahay Nairobi biya la’aan ayaa looga guuraa, oo Sannad kii hore ayaan joogay Magaalada sanca ee dalka yaman oo laga baqayay in 10 sanno kadib biya la’aan looga guuro caasimada. Weliba meel fog lagama soo jiidi karo tubooyinka biyaha sababta oo ah buuraha dagaxa ah ee ku wareegsan magaalada Sanca.

Dadku mustaqbalkaa fog ee biyaha ayeey ka fekerayaan annaga yaa noo og waqtiga keeydkeena biyuhu ku eg yahay, ma ka sii tabaabusheeysanaa mise sidii caadada noo aheed ceelal biya ah ayaan ku dagaalami doonaa. .. Annaga waxaa khabar wanaagsan ah mid ka mid ah harooyinka biyaha ee dulka hoostiisa ah ee ugu weeyn afrika in eey ku taal gunta hoose ee gobalka barri ee punt land oo marka aad kor ka fiirisi kuugu muuqda dhul abaar ah . culumaduse waxa eey leeyihiin haddi dhulkaa shidaal laga qodo soo saaridiisu waxa eey wasaqeeynee haradaa sida Canada ku dhacday ,shidaalka halkaa ku jira waxaa ka qiima badan biyaha ku jira hadii dadka dalku soo saara karaan.

Arrin kale oo xuduudaha badalee waa Awoodaha. SCENARIO 2: THE DEMOCRACY POWERS. The future of most East African nations is uncertain, because the political elite have not arrived at a long-term deal on power sharing and enshrined it in a constitution. As a result, the regimes in Burundi, Rwanda, Tanzania, South Sudan and Ethiopia all today still need to call out the army or Special Forces to beat back the opposition.

SCENARIO 3: THE RESOURCE POWERS (ENERGY & MINERALS) SCENARIO 4: THE TECHNOLOGY POWERS. If technology, innovation and the development of the health industry are the future, then Kenya and Rwanda will chew up Uganda, and Rwanda will gobble up Burundi and a large swathe of eastern DRC. A large part of Tanzania, and South Sudan would become Kenya territory. Interestingly, this is probably the only scenario where Somalia survives. It’s a fairly innovative country in communications, so it will survive. It will be reunited with Somaliland and Punt land, and take in the Somali/Ogaden of Ethiopia.

SCENARIO 5: THE ENERGY-AND-FOOD-HUNGRY MILITARY POWERS: The next group of winners could be countries that reasonably stabilize their internal politics, grow their economies and build strong militaries, but have no food and energy to run on. These countries will take account of the rich ones that have resources, but are disorganized, have weak militaries, and chaotic politics. In this scenario, Rwanda will thrive. Uganda might just get by, but not enough to grow out much. Burundi might survive. Kenya, whose real military strength, it emerges, has been grossly underestimated from what we are learning from its Somalia campaign and with an interesting new political order, will thrive as well as Rwanda. Ethiopia too will do quite well. There are questions about Tanzania in this picture, as there are about South Sudan, and Somalia is a write off. So, Rwanda will expand and absorb DR Congo and its resources. Burundi too will expand considerably into the DR Congo and parts of Tanzania. There will be a small portion of DRC left that Uganda will pick up. Uganda will also pick up a little of South Sudan, but most of it will go Ethiopia and Kenya. Kenya and Ethiopia will divvy up Somalia. Kenya might get a little bite of Tanzania. Whatever the case, Tanzania will shrink. qeeybtan SCENARIO- haa ayaa laguugu cadeeyay sida wadamada qaar aad ka mid tahay loo jajabsan doono.( sawirada hoose ka fiiri: Maabka naloo qorsheeyay iyo kana an qorsheeysanay.

Aan dib u soo noqonee xalka waqtiga dheer waa arrin na wada sugaya , umana baahna in aad qof kale ku haleeyso adiguba manta bilaaw. Kan hadda taagan ee dadka lagu gardareeysanayo Kenya waxaa loo baahanyahay .

In qaadka iyo badeeceeyinka kale ee Kenya la joojiyo iibsigooda ama cashuurta lagu badiyo.

Dayaaradaha ka taga soomaliya ee u socda Kenya waxaa saacada lagu hakiyaa Wajeer Airport,waxaana laga qaadaa Khidmadda dagida( landing fee) iyadoo la leeyahay waddan argagixiso ka jirto ayeey ka yimideen waana in la baaraa, laakin kuwa Kenya ka yimaad lama baaro. Hadda Kenya waxa eey qiratay in wadankeeda argagixiso joogto, markaa dayaaradaha ka yimaada Kenya ee Somaaliya u soo socda waa in lagu hakiyo kismayo oo la baaraa iyagana, Gobalkuna ha helo khidmada degedda oo dakhli u ah.

Qreeno( lawyers) caalamiya ayaa loo qaban karaa dadkan iyo hantidooda, waxaan hubaa in la helayo kuwa voluntary ah.

Waxaa ku fillan wadamada carabta, UAE oo kaliya in dowladu la hadasho ayaa ku filan. Hore laba nin oo UAE ayaa si qalad ah loogu xiray Kenya, si deg deg ah ayaa dayaaradihii Kenya loo joogiyay . wasiira Kenya ah iyo dowladooda ayaa deg deg u cudur daartay ,Asgartii Kenya ee raga xirayna waa la xiray. Haddii carab hiil leedahay ama qaarkeen eey yaqaaniin sida carab wax looga dhaadhacsiiyo waxaa ku fillan UAE oo si hoose u tiara dad kaasi waa wallalheen.( iyagaaba nan tarxiili jiraye), bal tan dowladu ha kala hadasho- carabta.

Dhuxusha ..??,Akhyaar badana ku jirtee bal iyadana ….

Iyo adiga wixii eey kula noqoto ee xal aad u aragto.

(((((Waa col ku dhac cadaawana kuu ciidamisy)))).

SUG SUG– Ethiopiana Markii aan yaryareeyn oo aan school-da dhiganeeynay waxaa nala baray in uu jiro calan soomaalidu leedahay oo eey ku dhex taal xiddig shan gees leh oo tilmaameeysa shan soomaali oo laba xur tahay, ( dugsiyada manta arrintaa laguma baro ardayda), laakin waxaa nalaga qariyay in labada nalgu heesto.Dood ku socotay maxkamad iyo guddigii oo go’aankii la soo daahay ayaa sabab u noqotay in gobalkii jubada sare ,uu xuriyada la qaato gobalada kale. Ethiopea waxa eey ku dacwootay in magaalada Baydhabo eey tahay qeeyb ka mid ah ethiopea sidaa darteedna eeyna 1da luulyo 1960 xor noqon Karin.sidda ku cad heshiiskii eey talyaaniga la gashay. Laakin talyaaniga ayaa ku dooday in mesha heshiiska ku qoran eey tahay MAIDABA oo ku taal xadka ee aaneey aheen BAYDABA.

Laba sanno xuriyada ka hor Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexeeyey ayaa gaaray heer sare (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii is-maandhaaf ka yimid habkii guddigaasi baaritaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah) si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan. Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xabashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan. Ethiopea oo weli dacwadii u taagantahy ayaan xoroownay soow suura gal ma ahan hadda oo aan laciifnahay baydhabana gacantooda ku jirto in eey faylashii la soo baxaan, kenyana kismayo oo ingriisku damacsanaa in uu ku wareejiyo laakin xuruiadeedu dib u dhacday illa 1963 ay ku lumisay laakin manta eey heeysato kismayo. tixraaca oo buuxa waxaad ka helee: ((International Boundary Study .No.153 January 1978 –Ethiopia-Somali Boundary –country code ET-so))))).The UN trusteeship agreement for Somalia stipulated that the boundaries with Ethiopia “shall be those fixed by international agreements and, in sofar as they are not already delimited, shall be delimited in accordance with a procedure approved by the General Assembly.” Negotiations between them began in 1955, and Ethiopia and Italy agreed that the 1908 boundary convention should be the criterion for the delimitation of the boundary. In December 1957 Ethiopia and Italy reported to the UN General Assembly that direct negotiations were not successful, a failure which was due in large part to lack of agreement on the interpretation of the boundaries of 1897 and 1908. The Italian Government refused to accept an Ethiopian compromise on the provisional administrative line, and an arbitration tribunal of three jurists was appointed in 1958.The General Assembly then asked the King of Norway to nominate an adviser to assist in resolving the tribunal’s terms of reference. Trygyve Lie, the former UN Secretary-General, was appointed in August 1959, but he failed to obtain an agreement. Although no additional progress toward a settlement was reached prior to the independence of Somalia, both Ethiopian and Somali representatives agreed in December 1959 that the provisional administrative line should remain in force until a final settlement was reached. At the 14th and last session of the UN General Assembly before Somalia’s independence, a resolution regarding the Ethiopia–Somalia boundary failed to pass because the Fourth Committee was unable to make a recommendation. Following independence on July 1, 1960, Somalia withheld recognition of the Anglo–Ethiopian delimitation of 1897 and afforded only de facto recognition to all boundaries with Ethiopia))))).

Khatar kale oo muuqata ayaa ah waxaan u soo joognay iyadoo :Ethiopia uu magaalada hargeesa u fadhiyo Safiir Danjire Bereha Tesfay iyo sidoo kale iyadoo magaalada Garowe uu fadhiyo safiir lagu magacaabo Mr-Asmalaash Wal-damiirat kaas oo ilaaliya danaha Ethiopia,usbuucii horena Kenya ayaa sheegtay in eey qunsuliyad ka furanee kismayo.

Ninbaa yiri: cadaabka qabrigaa ii nugleeyay. Waxaa wadamaada diriska noo nugleeyay waa dad isku heesta diin ,siyaasad iyo xukun jaceeyl oo helmaamay masuuliyada guud iyo cawaaqibka eey leedahay kala qeeybsanaanta walaaluhu in midba gooni loo cunno rajana male in nin walaalkaa kula diylay uu ku aamino.

Ha quusan waxaad xasuusataa khudbadii Mr. Cabdullahi Ciise uu ka hor aqriyay golaha guud ee jamciyada quruumaha ka dhaxeeyso ,5/oktobar/1961,ee uu ku yiri: xuduuda Somalia iyo etobiya lama sugin ,talyaanigu wuxuu ogolaaday xad ku meel gaar ah in uu ahaado, waxaa loo saaray guddi dhax dhaxaadiya oo xuduud sugan jeexa. Xuduuda hadda jirta waxaa sameeyay ingriiska iyo etobiya dadka somaliduna waxba kama ogeeyn lagamana tixgalin.markaa xuduud laba isticmaar ku heshiiyeen anaga nama khuseeyso, anagaaba dhul naga maqaan yahay.

Ka raali noqo in aan kugu dheereeyay war laga yaabo in aadan wax ka faa’iidin, oo murti la’ aan ah ,ama aadan wax ka fahmin,shakhsi gaar ah ha u macneeyn hana ku dabaqin qormadaan, wixii aan ku gafay iga cafi, wixii aqoon dariyi ii geeysay iga sax. waa balan in aan kaa qaato.sidoo kale ka raali noqo qeeybaha aanan tarjumin, oo aan u dhaafay in aan muujiyo meelaha aan ka soo qaatay.

Lasoco.qeybta 2aad –Ha Aqrin 2- iyo….

Yahya Sh. Caamir. E-mail: [email protected]—Mogadishu-Somalia

COMMENTS