January 29, 2013 | Posted by admin
Kobanheegan: Boqolkiiba 90 dadka u dhinta cudurka kansarta waxaa sababa unugyada kansarka oo ku baaha qaybaha kale ee jirka. Laakiin hadda koox cilmi-baarayaal oo ka tirsan BRICK oo hoos timaadda jaamacadda Kobanheegan ayaa soo bandhigay qaab la xiriira kansarka naasaha, oo haddi la guriyo hal insaym, sidoo kale la guriyay fidita-ankii unugyada kansarka.
– Insaymkaas oo la yiraahdo LOX ayaa wax ka beddeli kara dhismaha orgaanigga ah ee ilimaqabatayga ah, kaasoo keena in unugyada kansarku ku mataataxaan nudaha jirka intiisa kale.
Muddo ayaa la yaqaannay arrinta ah, in dadka kansarka qaba ee cudurku ku fidiyo uu ku badan yahay xaddiga insaymka LOX. Laakiin lama garanayn raadadka mekanisamka ah ee insaymka, ayay trhi xiriiriyaha kooxda cilmi-baarista, Katrine Sonne-Hansen.
Istiraatijiyadda kansarka
Kooxda cilmibaarista oo ay hoggaaminayso muxaadareeyaha Janine Erler, kuwaasoo ku guulaystay natiijooyin cusub oo lagu helay sawir la xiriira waxa unugyada kansarku u baahan yihiin, si ay u saameeyaan unugyada kale ee aanay ku dhicin.
Si loo sameeyo dawo dhaxalgal ah waxa asaasiyan loo baahan yahay, in la ogaado istiraatijiyada bayoolajiga ah ee ay adeegsadaan unugyada kansarku.
– Maaha in la eego uun oo keli ah unugyada kansarka, laakiin waa in sidoo kale la derso deegaanka ku xeera ,, Tallaabada labaad waa in si xeeldheer loo fahmo mekanisamka hoose ee bayoolajiga ah. Marka si fiican loo fahmo tallaabooyin bayoolajiga ah ayaa la samayn dawo waxtar ah, ayay tiri Katrine Sonne-Hansen oo ka warramaysay shaqadan sii socota.
COMMENTS