February 12, 2018 | Posted by admin

War ay soo saareyn xubno ka mid ah Guddiga ku howlan badbaadinta Hantida saaran doon ku caarisay Xeebta magaalada Boosaaso ayaa dalbaday in laga caawiyo dhameystirka Gurmadkooda, waxayna sheegeyn in ay rajo weyn ka qabaan Badbaadinta hantidaasi.
Guddigaan ayaa warbixintooda Waxa ay ku sheegeyn in marxaladii ugu dambeysay ee doonida loogu talaabo ay guda galeen, waxa ayna dalbadeen in gurmad la siiyo si uusan hakad u galin dadaalkooda.
Ugu yaraan 500 oo Mitir ayey tilmaameen in ay u jirto Doonida, meesha ay joogaan iyo halka ay kasoo bilaabeenna ay kala rajo dhaw yihiin, doontaan oo waddo hanti badan oo ay ka mid yihiin Gawaari badan ayaa ku dhawaan ku caarisay xeebaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

COMMENTS