May 4, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho: Mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo ay ku jireen gudoomiyeha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Tarsan, taliyaha ciidamada boolika Soomaaliyeed Shariif Shiikhunaa Maye, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarrinta ee TIKA iyo madax kale oo fara badan ayaa booqday xarunta gaadiidka booliska oo iminka dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyey lasoo gebagebeeyay si loogu qabto shirka duubabaka dhaqanka Soomaalida iyo shirka ansixinta dastuurka.

Mas’uuliyiintan kala duwan ayaa kusoo wareegay qeybaha kala duean ee dhismahaas oo ay dayactirkiisa iyo qalabeyntiisaba bixisay hay’adda Turkiga ah ee lagu magacaabo TIKA.

Madaxweyne Shariif ayaa guud ahaanba ku wareegay dhismayaasha kala duwan ee xarunta Gaadiidka Booliiska sida hoolka shirarka, hool loogu talagalay doodaha iyo marka koox koox wax looga doodayo iyo goobta loogu talagalay inay ku cunteeyaan xubnaha xiligaasi xarunta ku shiraya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dowladda Turkiga dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ay ku sameeyeen xarunta Gaadiidka Booliiska waxaana uu Madaxweynuhu xusay in talaabadan ay muujineyso sida ay Soomaalidu diyaar ugu tahay xiligan inay wax qabsadaan.

Mas’uul u hadlay hay’adda horumarinta TIKA ee dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey howlihii ay Turkigu ka wadeen xarunta Gaadiidka Booliiska in ay kusoo idlaadeen guul, waxaana uu u mahad celiyey Injineerrada iyo dhamaanba howlwadeenadii Soomaalida ahaa ee howshaasi gacanta aan hagarta laheyn ka geystay.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay in xarunta Gaadiidka Booliiska oo hada dhismaheedu soo idlaaday loo diyaariyey iney ku shiraan ergada ansixin doonta Dastuurka Cusub oo uu dalku yeelanayo taasina ay tahay mid aad loogu farxo waxaana uu Alle ka baryey in Umadda Soomaaliyeed uu rajadeeda ku guuleeyo.

Shalay ayay guddiyda Logistikada, Hab-maamuuska (Protocol), Wacyi–galinta iyo Amniga ee dowladda Soomaaliya u saartay howlaha shirka dastuurka ku dhawaaqeen iney soo gebagebeeyeen dhamaan adeegyadii looga baahnaa qabsoomidda shirarka dastuurka.

COMMENTS