February 6, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Waxaa Xalay lagu Dilay Magalada Gaalkacyo Gudoomiyihii Xaafada Israac ee Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Maxamad Cabdulle oo ahaa gudoomiyihii Xafaada Israac ayaa waxa lasheegay inay dileen kooxo Aaan heybtooda lagaranayn kuwaa oo Marka Dilka ay gaysteen kabaxsaday Goobta.

Wararka ay Gelinsoortimes ay Caawa kahelayso Magalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha lagu dilay Agagaarka Shirkada Galcom ee  Magalada Gaalkacyo.

Ciidamada Boliiska ee Magalada Gaalkacyo ayaa Caawa Howlgalo kasamaynaya Xaafada Israac ee uu kadhacay Falka Dilka Gudoomiyihii xaafadaasi.

Dilka xalay loogu gaystay Magalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamad Cabdulle ayaa waxaa uu imanaayaa xili 28 kii bishii Sidaad ee sanadkii 2011 ayay ahayd Markii lagu dilay Magalada Gaalkacyo Gudoomiyihii Xaafada Irsraac Axmad Cismaan Gaatax.

COMMENTS