May 18, 2017 | Posted by admin

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Canab C/llaahi Ciise ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhaawacantay Shil Gaari oo ka dhacay Tuulada Booroow oo qiyaastii 15-KM u jirta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Shilka Gaariga ay saarneed Gudoomiyaha ayaa yimid ka dib Markii gaariga oo Xowli ku socday uu shil galay.

Wararkii udambeeyay ayaa sheegaya in ay Bed qabto Gudoomiye Canab in kastoo loo maleeyay in Markii uu shilku dhacay ay wax yeelo soo gaartay.

Bur bur xoogan ayaa soo gaaray gaariga Gudoomiyaha waxuuna ahaa Gaariga Nuuca Soomaalidu utaqaano Qooqanta oo xawaara Xowli ah ku socday.

ilaa iyo iminka lama xaqeejin waxa sababay shilkaan Gaari oo ka dhacay Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS