September 13, 2017 | Posted by admin

Kulanka Xildhibaanada Soomaaliya oo Maanta si gooni ah xiisa ulahaa ayaa waxaa laga sugayay Jawaab Rasmi ah oo ay Bixiyaan Xildhibaanada soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka Waxaa Maanta Shir Gudoominayay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Kulanka oo aad u kululaa ayaa Xildhibaanada qaar koof waxay Halkaas ka soo jeediyeen, Hadallo ku aadan Muranka C/kariin Qalbi dhagax.

Muran badan oo xilhibaanada Dhaxmaray ka dib Waxaa la soo saaray Guddi Xaqiiqa Raadin ah oo ku saabsan Muranka Faraha badan ee Dowlada ka dhaxtaagan.

Gudoomiye Jawaari ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddiga Ku saabsan in ay Jawaabo ka Keenaan Muranka qalbi dhagax iyo xukuumada,

Waxa uu sheegay jawaari in Guddigaas oo xildhibaanada Ka Hor shaacin doono Magacyadooda iyo waxa ay qaban doonaan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS