November 20, 2014 | Posted by admin

thumb (7)
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’ed Sheikh Cusmaan oo ka hadlayay khilaafka iminka ka dhex taagan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inan loo baanheyn fara gellin ka timaada beesha caalamka oo ku aadan khilaafka jira.

Wuxuu sheegay Mr Jawaari in madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku filan yihiin inay xaliyaan muranka dhanka siyaasada,islamarkaana loo baahan yahay in Dowladaha shisheeye fara kala baxaan arimahaasi si Soomaalida iskooda isku xaliyaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in kaliya beesha caalamka ama Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya fakir ku darsan karaan,laakiin aan loo baahneyn inay ku ku lug lahaadaan xalinta khilaafka iminka ka jira.

Muranka u dhaxeeya Xasan Sheikh iyo C/wali Sheikh Axmed ayaa saameyn ku yeeshay hay’adaha kale ee Dowlada.

Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii u kala dhex gali lahayd khilaafka madaxda Soomaaliya,inkastoo arintaasi mira dhal u muuqan.

Hadalkaan ayuu ka dhex sheegay gudoomiye Jawaari ka dib kulan Muqdisho uu kula qaatay ururada Bulshada rayidka ee dalka ka jira.
– See more at: //risaala.net/articles/23272/Gudoomiye-Jawaari-oo-ku-baaqay-in-loo-daayo-Baarlamaanka-Xalinta-Khilaafka-Jira#sthash.PPzPlG8o.dpuf

COMMENTS
  1. Elton Teddy said:

    My dream retirement just includes that I’m able bodied enough to enjoy it. I suppose I’d just like to live by water.