March 25, 2017 | Posted by admin

Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si cad uga hor yimid golaha cusub ee wasiirada dhowaan uu ku dhawaaqay raisul wasaare Kheyre.

Jawaari ayaa raisul wasaaraha u diray qoraal uu kaga dalbanayo inuu kaga laabto magacaabista golaha wasiirada ka hor inta aan la horgeynin baarlamanka si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Qoraalka hoose ee guddoonka baarlamanku u diray raisul wasaaraha waxaa la socda qoraal kale oo xildhibaano 105 gaaraya u direen gudoonka kaasoo ay sheegayaan in raisul wasaaraha uu hareer maray nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5

COMMENTS