March 18, 2017 | Posted by admin

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa hadda kasoo degay Garoonka Aadan Cadde , waxaana soo dhaweeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Inta uu jooggo Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

U jeedka uu u yimid Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay qiimeynta Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale dardar Gelinta Howlgalka AMISOM.

COMMENTS