February 26, 2013 | Posted by admin

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ogolaaday in is bedel lagu sameeyo maamulkiisa, kaasoo qeyb ka ah qorshe ay wado Wasaarada Arrimaha gudaha oo maamulo KMG ah loogu sameynayo Gobolada iyo degmooyinka dalka.

C/fataax Xasan Afrax oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay is bedelka xilligan lagu sameynayo maamulada gobolada dalka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaad mid loo qaaday dhinaca dimoqraadiyada.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay raali ka yihiin in maamul dadka raali ka yihiin loo sameeyo gobolka Hiiraan, isla markaana isaga uu taageersan yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr Afrax balanqaadyo loo sameeyo, waxaana jiray kulamo xiriir ahaa oo Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiinta dowladda uu Muqdisho kula qaatay, kaasoo la isku afgartay in Maamul KMG ah loo sameeyo Hiiraan, isla markaana muddo lix bilood ku soo diyaariyo doorasho dadka deegaanka ku soo dooranayaan dadkii matali lahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mr C/fataax uu doonayo in dowladda Soomaaliya ay dhameystirto qorshihii Gobolka Hiiraan labada Gobol looga dhigayay, kadib markii Madaxweynihii dowladdii KMGa aheyd Shariif Sheekh Axmed Gobol cusub u magacawday Shabellaha Sare oo xaruntiisa noqoneyso Buulo Burde, waxaana hadii qorshahan u hirgelo uu doonayaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamul goboleedka ee Labada Gobol Hiiraan iyo Shabellaha Sare.

Kulamo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada ayaa lagu gorfeeyay hab dhismeedka Maamulka loo sameynayo Gobolka Hiiraan, iyadoo Gudoomiyaha Gobolka loo magacaabi doono shaqsi ka soo jeeda Beesha Xawaadle, iyadoo xubnaha kale ee Maamulkana lagu qeybiyo qaab awood qeybsi ah, waxaana Muqdisho ku soo qul qulayay aqoonyahano, siyaasiyiin iyo dad kaleba oo ka soo jeeda Hiiraan, si ay xilal u helaan.

Waxaa soo gaba gaboobay wada tashiyadii ku aadanaa maamul u sameynta Gobolka Hiiraan, waxaana laga yaabaa in todobaadyada soo socda lagu dhawaaqo, waxaana daba socda maamulo kale oo iyana is bedel lagu sameynayo, taasoo howshiisa ay socotay maalmihii u dambeeyay.

Qorshaha maamul u sameynta Gobolada ayaa ah mid horay u meel marisay Xukuumada Soomaaliya, iyadoo loogu magac daray Maamul sameysashada oo loola jeeday in dadka deegaanka uu ka yimaado cida ay dooranayaan.
Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Bay C/fitaax Geesey, waxaana Maamulka KMG ee lagu bedelay uu haatan bilaabay inuu ka howl galo magaalada Baydhabo.

Magaalada Beledweyn oo ay joogaan Ciidamo ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa is bedel iyo horumaro laga dareemayaa, iyadoo qeybaha bulshada ay aad ugu riyaaqeen Ciidamada ka socda Jabuuti dadaalka dhinaca bulshada oo uu ka wado magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

COMMENTS