March 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Maxamed Maxamuud Raage oo ah Gudoomiyaha Degmada Runirgood ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ka hadlay weerar khasaaro geestay oo ay Al-Shabaab ka geesteen degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Maliishiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan ururka Al-qaacida ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos oo ay dhigayeen dadka deegaanka.

Weerarka Al-Shabaab ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ay ku eedeeyeen in dadka Arooska dhigayay ay sameeyeen wax ka baxsan diinta Islaamka, oo ay ula jeedaan ciyaaraha la qabto xiliga aroosyada sida baraarunburka, iyo wixii la mid ah.

Maxamed Maxamuud Raage Gudoomiyaha Degmada Runirgood ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen ilaa iyo hal ruux halka ay ku dhaawaceen ku dhowaad Sideed Ruux oo kale, wuxuuna sheegay in farxadii ay mar qur ah isku badashay naxdin.

Al-Shabaab ayaa horay waxay deegaanada ay ka taliyaan ay kaga mamnuuceen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wixii la mid ah, Ilaa iyo iminkana majirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan falkaan naxdinta reebay ee ka dhacay degmada Ruunirgood.

COMMENTS