October 27, 2016 | Posted by admin

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan cali jayte cismaan ayaa maanta magaalada beledwayne ee gobalka Hiiraan kulan kula qaatay gudiga amniga Gobalka Hiiraan oo shalay la magacaabay.

Gudigaan uu la kulmay Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Hiiraan cali Jayte Cismaan ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa amniga gobalka Hiiraan.

Gudiga iyo Gudoomiyaha cusub ayaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta gobalka Hiiraan.

Madaxwaynaha Cusub ee Dowlada Hirshabeele ayaa shalay Magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Gudiga ka shaqeen doona amniga.

Ugu dambeyn Gudomiyaha ayaa ka tacsiyeeyay Dadkii ku geeriyooday qaraxii dhawaan ka dhacay saldhiga Ciidanka AMISOM gaar ahaan Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Beledwayne.

COMMENTS