September 7, 2015 | Posted by admin

Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ah Mudanayaasha kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka hadlay faragalin uu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ku hayo arrimaha Mooshinka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Jawaari uu si cad uga soo horjeedo in lala xisaabtamo Madaxweyne Xassan oo ay ku tuhunsan yihiin inuu ka weecday shuruucda dalka.

Wuxuu sheegay in Jawaari uu doonayo in wada hadal lagu dhameeyo Mooshinka taagan, waxa uuna ujeedkiisa ku micneeyay inuu yahay qorsho uu wato Madaxweynaha.

”Adeer anagu xaq baan u leenahay inaan la xisaabtano Xassan Sheekh, waxaa noo muuqata in Jawaari uu is xijinaayo Xassan, anagu waxaa qalad nagu ah inaan hor fadhiisano Xildhibaano kale oo aan kala xaajoono Mooshinka”

”Anagu Xukuumada iyo Baarlamaanka kama aan gudbin Mooshin ee waxaan ka gudbinay Xassan sidee wada-xaajood kula furnaa Xildhibaanada garabka kale”

”Hadii aan la xisaabtameyno Xassan Sheekh, sharci ahaan Jawaari xaq uma laha inuu hor istaago, wayo Xassan waa bani’aadam khalad wuu gali karaa waana lama huraan in lala xisaabtamo”

Waxa uu sheegay in goortii Mooshinka lagu ridaayay Ra’isul wasaarihii hore Jawaari uu ahaa mid ku qanacsanaa, loona baahan yahay in iminkana uu ku qanco inuu is casilo Xassan ama Baarlamaanka ay xilka ka laalaan.

”Xasan Sheekh iyo Jawaari aad bey ula dhacsanaayen goortii aan rideynay Ra’isul wasaaraha, hadana waxaa looga baahan yahay in Xassan uu ku qanco in Xilka laga laalo”

Ugu danbeyntii hadalka Xildhibaan Cabdi Barre ayaa imaanaya iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo bandhigay qaabka ay u maareyn lahaayen Mooshinka laga gudbiyay Xassan Sheekh.

COMMENTS