August 14, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan in uu dib ugu soo laabto magaalada Jowharee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Baaqan ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ay ku sheegeen in ay guddoomiyaha baarlamaanka uu ka meermeerayo in uu howshiisa guto isla markaana shir guddoomiyo kulamada baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado bartamihii bishii June ee sanadkan, isagoo xildhibaano ka tirsanbaarlamaanka ay ku dhowaaqeen inay shaqo joojin ku sameeyeen.

Si  kasta ha ahaatee, waxaa gelinkii dambe ee shalay laga gudbiyay mooshin xil ka qaadis ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Magaalada Jowhar ayaa xalay illaa iyo maanta waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah kuwaasoo ku saabsan sidii uu u hirgeli lahaa mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Cosoble halka dadaalo kale ay wadaan xildhibaanada taageersan Madaxweyne Cosoble kuwaasoo doonaya in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

COMMENTS