March 12, 2012 | Posted by admin

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirkii 12-aad ee Guddiga Wadajirka Amniga oo ay wada shir-guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe, Ambassador Augustine Mahiga iyo Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Ambassador Wafula.

Shirkan Guddiga Wadajirka Amniga ayaa maanta iyo beri ka dhici doono magaalada Muqdisho oo maanta ay kulmayaan Soomaalida oo kaliya, halka lagu wado in beri ay beesha caalamka ku soo biiri doonaan. Waxaana maanta shirka goob joog ahaa wasiiro masùuliyiinta ciidanka militariga iyo booliiska, xubno ka socday Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jameeca iyo masùuliyiin kale.

Shirka maanta ayaa waxaa khudbado ka jeediyey Raìisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM iyo wakiilka Midowga Afrika. Raìi’sul Wasaaraha ayaa ka codsaday ka soo qeybgalayaasha in si aad ah loo gorfeeyo arrimaha amniga, gaar ahaan baahida jirta ee ciidamada militariga iyo booliska oo uu sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamku ay haqab tirto baahiyaha jira si ciidanka Soomaaliyeed uu u soo celiyo amnigii iyo kala danbeyntii. Waxuuna xusay in ciidanka si ay ula dagaalaan Al-Shabaab loo baahanyahay inay heystaan dhammaan agabkii loo baahnaa iyo in dib-u-dhiska hayàdaha amniga la sii xoojiyo.

Maalinta barito ah ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirkan waxaana la filayaa in warbaahinta loo soo gudbiyo go’aanada shirka iyo muhiimada lagu gorfeeyey.

COMMENTS