August 16, 2017 | Posted by admin

Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay wax ka bedel ay ku sameeyeen furashada xisbiyada siyaasadeed.

Gudiga ayaa ugu horayn ku kordhiyey labo (2) bilood oo horleh waqtiga ay tahay in lagu furan karo ururada siyaasadeed ee Puntland kahor doorashada 2019ka.

Dhanka kalena, gudoga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ka dhigay lacagta furashada urur siyaasadeedka 3,000 (Saddex kun) oo dollar, halka diiwaangelintana laga dhigay 7,000 (Todobo kun) oo dollar.

Go’aanka ka soo baxay gudiga doorashada Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli uusan jirin ilaa hadda urur siyaasadeed oo isu diiwaangeliyey doorashooyinka Puntland.

COMMENTS