April 20, 2014 | Posted by admin

Gudiga Amniga Qaranka oo shir gaar ah ka yeeshay shaqaaqadii ka dhacday degmada Balcad ayaa ku amray in la soo qabtay Gudoomiyihii degmada Balcad iyo xubnihii la shaqeynayay, iyadoo ciidamo fara badan ay gaareen degmada.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com shirka Gudiga Amniga qaranka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dambeeyay markii jimcihii dagaal uu ka dhacay degmada Balcad, kaasoo dhex maray Ciidamo Boolis ah iyo Ilaalada Gudoomiyaha degmada Balcad.

Gudoomiyihii Balcad Cusmaan xaadoole ayaa shalay isaga baxay degmada, kadib dagaal culus oo ka dhacay, iyadoo la sheegayo inuu ku sugan yahay meel aan sidaa uga fogeyn.

Xaalada degmada Balcad ayaa xaaladeeda tahay mid degan, waxaana xalay gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan, kuwaasoo ku hubeysan ilaa 10-gaadiidka dagaalka ah.

Amarkan ka soo baxay Gudiga Amniga Qaranka ee ku aadan in la soo qabto Gudoomiyihii degmada Balcad ayaa la ogeyn sida uu ku suura geli karo, maadaama Gudoomiyaha baxsaday uu wato ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal.

Warar soo baxayay aya sheegayay in xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Balcad Cusmaan Xaadoole, iyadoo aan si rasmi ah u soo bixin wareegtada xilka looga qaaday.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in degmada Balcad ay gaaraan wafdi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, si ay xaalada degmada u indha indheeyaan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

COMMENTS