January 12, 2013 | Posted by admin

Waxaa xalay isbitaalka Agha Khan ee magaalada Nairobi ku geeriyooday Allaha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd oo ahaa guddoomiyihii bankiga dhexe ee dalka Djibouti.

Marxuumka ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay isbitaalka loogu hayay la tacaalidda xanuun hayay.

Wararka ayaa sheegaya in Jaamac uu u geeriyooday xanuun ka dhashay dhiig madaxa kaga furmay.

Allaha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd ayaa la filayaa in aas-qaran loogu sameeyo dalka Djibouti.

COMMENTS