April 14, 2014 | Posted by admin

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Xamar-weyne iyo Waabari ee gobolka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Xamarweyne, Cabdullaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) iyo guddomiyihii degmada Waabari, Axmed Mayre Makaraan.
Guddoomiyihii degmada Waabari, Makaraan ayaa sheegay in sida ay farayso wareegtadu uu dhowaan xilka ku wareejinayo guddoomiyaha cusub ee degmada oo lagu magacaabo Axmed Muumin, halka Gardhuubna ku wareejinayo guddoomiye kale.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada qorshe wax looga baddalayo qaab-dhismeedkii maamulka degmooyinka gobolka, waxaana hore xilka looga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dharkiinley, Karaan, Cabdicasiis, Shibis iyo kuwo kale.

COMMENTS