August 30, 2014 | Posted by admin

Hargeysa- Guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee Somaliland UCID ENG Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul ugu dhaliilay Beesha Caalamku ineysan Somaliland ku khasbi karin iney ka baxdo deegaanka Saaxdheer.

ENG Faysal Cali Waraabe oo la hadlay gelinkii danbe ee maanta VOA-da ayaa sheegay in Somaliland ay lama huraan ku noqotay iney weerar ku qaado deegaanka Seexdheer oo lagu waday in xiligaas lagu Caleema-saaro Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka Siyaasi ahaan uu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhalatay dagaalkaas dhexmaray laba dhinac hadda aysan Somaliland ku soconeyn amarka Beesha Caalamka kasoo yeeraya.

…..””Weerarkaas wuxuu ahaa mid ay Somaliland ka fursan waayay, balse waan ka xumahay dhibaatadii dhacday…..”ayuu sheegay Guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee Somaliland UCID ENG Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale,wuxuu intaas ku daray in Beesha Caalamka laga doonayo iney qabsato hawshii nabadeynta dalka Soomaaliya ee loo diray balse aysan ku khasbi karin marnaba waxay doonaan Somaliland.

Mar la weydiiyey in haddii Somaliland diido baaqa kasoo yeeray Beesha Caalamka ee ah in si degdeg ah ugala baxdo deegaanka Saaxdheer iyo Cawaaqib xumada ka dhalanta ayuu ku jawaabay.

…….””’ Beesha caalamku ma jirto wax ay Somaliland ku qasbi karaan ee howshii loo diray oo ah inay Soomaaliya nabadeeyaan ha qabsadaan, waxaanan leeyahay innaga ayaa Somaliland dhisannay, innaga ayaana mideynay, mana ahan in markii ay ku guuldarreysteen howshii Soomaaliay inay innaga shaqo naga dhigtaan………..””ayuu yiri.

Guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee Somaliland UCID ENG Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ka baxayso deegaanka Saaxdheer balse marka hore ka nadiifinayaa sida uu sheegay dad dhibaato wada oo deegaanka ku sugan.

Mar uu ka hadlaayey in dadka deegaanka iyo Somaliland ku kala fogaan karaan dhibaatada gaartay dad shacab ah oo deegaanka u dhashay ayuu ku sheegay ineysan dhacayn taas oo qudhiisuba u dhashay deegaanka dadkuna yihiin Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa weli aan ka hadlin baaqa kasoo yeeray beesha Caalamka ee ah iney si degdeg ah Ciidankeeda ugala baxdo deegaanka Saaxdheer,waxaana baaqa beesha Caalamka daba socda Dawladda Federaalka oo qudheedu sheegtay iney ka xuntay waxa meesha ka dhacay.

COMMENTS