Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in goobaha ay la wareegeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya aan lagu arki Karin Askari aan ku labisneen Dareyska Ciidamada oo hub ku dhexsita shacabka dhexdiisa kadib markii uu maanta gaaray dagmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe guddoomiyaha Maxkamada.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” iyo xeer ilaaliyeyaal ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeer ku tagay dagmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe isagoona kulamo la qaatay Saraakiisha ciidanka iyo shacabka ku nool dagmadaasi.
Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa markii uu tagay dagmada Balcad waxa uu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida isagoona wax ka weydiiyay in ciidamada ay dhibaatooyin u geystaan dad shacabka ah ee ku nool gobolkaasi.
General Mungaab ayaa amar ku bixiyay in maanta wixii ka dambeeya aan la arki karin Askari ka tirsan ciidamada oo hub ku wata gudaha dagmadaasi iyo askari aan wadan dharka ciidanka.
Sidoo kale General Mungaab ayaa tagay goobaha ay dadka ku ganacsadaan isagoona weydiiyay in ay dhibaatooyin u geystaan ciidamada iyo in kale waxa ayna sheegeen in ciidamadu

All Posts
BBC 0400 GMT








