July 28, 2015 | Posted by admin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa cadeeyay in dalka aysan doorasho ka dhici karin, xilli sanadka 2016 Dowladda Somalia ay sheegtay in doorasho dalka ay ka dhaceyso.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka, gab gabadii kulankaasi, ayaa wuxuu yiri “Waxaan isku raacsanahay ama la’ogyahay, Xukuumadana ay ogtahay, Somali kasta, Muwaadin kasta uu ogyahay 2016, August inaysan dhici karin qofkiiba hal cod. Waxaan kaloo ognahay Dastuuriyan, Baarlamaankan, Madaxweynaha iyo dhammaan wixii la doortay iyagana ugu dambeen September, 10-keeda waa naga dhammaaday xilkii.”

Gudoomiyaha, ayaa markale yiri “Xikmadda loo baahan yahay waxay tahay marka, mala qaban karo waa mid, Baarlamaankan waa inuu soo bedelaa Baarlamaan kale la doortay waa mid kale. Qodobada Dastuurka in la ixtiraamo waa okey. Laakiin Xildhibaanaa nahay, Siyaasiyiinaa nahay, dad waaweynaa nahay, Gole dhanaa nahay oo qarameed, waxaa nalooga baahan yahay, haddii mar xilligii iga dhamaaday wixiina ayna suurta galeynin, asbaabtiina ay tahay A, B iyo T aan naqaano, ay ka mid tahay Hay’adihii oo qaarkood aan dhisnayn, Dastuurkii oo aan dhameystirnayn, ammaankii aan sugnayn, weli tirakoobkii aan lahayn iwm. Sidaasi daraateed ma dhici karo doorasho.”

Jawaari, ayaa intaa ku daray “Welli waxaa weeye jawaabta aan raadinayno, haddii mar Qaanuuniyan iyo Dastuuriyan ay iga dhamaatay waqtigii, sidee baan uga gudbi? Kanna aysan suurtagal ahayn. Waa maxay maddiirka aan ku gudbaayo?

COMMENTS