December 30, 2012 | Posted by admin

Guddiga barlamaanka o soo saarau qodobo ka soo talabixinta heshiis militari oo dhexmaray wasaaradaha difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa shalay ku taliyey in baarlamaanku aqbalo heshiiska.

Heshiiska oo dhacay bishan horaanteedaxilli uu wadanka Turkiga booqday wafdi uu hogaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa waxaa dhanka dawlada federaalka u saxiixay wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Guddiga baarlamaanka u saaray ka soo talabixinta heshiiska Turkiga lala galay ayaa shalay warbixin ay soo diyaariyeen kahor jeediyey fadhigii baarlamaanka ee shalay iyagoo warbixintaasi kaga hadlay faahfaahino ku saabsan heshiiska iyo qodobadiisa .

Xubnaha guddiga loo saaray ka soo talabixinta heshiiska Turkiga waxay kala ahaayeen;-

1- Jen Muuse Xasan Cabdulle (gudoomiye)
2- Admiral Maxamed Maxamuud Xayd (xubin)
3-Jen Axmed Geedi Jimcaale  (xubin)
4- Xuseen Carab Ciise
5- Jen Bashiir Goobe
6- Col. Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xubnaha guddiga ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay heshiiska aqbalaan ayna taageeraan maadaama sida uu sheegay heshiiska uu ku saabsan yahay dib u dhiska ciidamada qalabkasida ee Soomaaliya.

Qodobada heshiiska (qeybta tababarada ciidamada)

“Runtii qeybta anaga naloo soo gudbiyey waa qeybta tababarada ee guddiga farsamada loo saaray, guddiga si hoose ayuu u darsay heshiiskan ku saabsan xagga tababarka ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kala ah;

– Wadashaqeynta tababarka ciidamada,

– Tababarka saraakiisha oo loo dirayo kulliyada abaanduulka,

– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada caafimaadka,

– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada dhanka jiheynta iyo dhulka [topography],

– Tababarka saraakiisha loo dirayo dugsiyada sare ee militariga,

– Tababarka ciidamada iyo saraakiisha heeganka ee dugsiga sare,

– Isweydaarsiga wufuuda saraakiisha militari,

– Ka qeybgalka carbisyada wadajirka ah,

– Iskaashiga dhanka tababarka Saadka ciidamada (logistics)

– Xoojinta nabadda,

– Gargaarka aadamiga,

– Ka hortagga burcad badeeda.

Heshiiska ayaa sidoo kale ku jira ilaalinta shuruucda wadamada loo dirayo ciidamada iyo saraakiisha labada dhinac iyo in la qadariyo xeerarka labada wadan, isla markaana si wadajir ah labada dawladood [Soomaaliya iyo Turkiga] ay diyaariyaan sharci gaar ah oo haddii ay ciidamo dembiyo galaan lagu qaado

Ugu dambeyntii xubnaha guddiga ayaa soo jeediyey in la meelmariyo heshiiskan maadaama dawlada Soomaaliya ay baah weyn u qabto qalabeynta iyo dib u dhiska ciidamadeeda, taasina uu ku soo noqon karo amaanka gudaha.

Inkastoo aan weli dood la gelin heshiiskan laguna wado in maalmaha soo socda baarlamaanku ka doodo heshiiskan ayaa haddana xildhibaanada qaar ayaa weli qabaan in la soo dhameystiro heshiiska maadaama qeybta tababrada kaliya la soo bandhigay.

COMMENTS